Xisbiga Kulmiye oo soo Dhawayn u Sameeyay Taageerayaal ka soo Diga Rogtay Xisbiga Waddani

0
49

 

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan

London (Dawan) Munaasibad soo dhaweyn ah oo loo sameeyey xubno ka soo diga rogtey xisbiga Waddani kuna soo biirey xisbiga Kulmiye.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey xubno ka soo diga rogtay Xisbiga Wadani kuna soo biiray Xisbiga Kulmiye ayaa munaasibad soo dhawayn ah loogu qabtay bariga London.

Waxa xubnahan ku soo biiray Xisbiga Kulmiye hogaaminaayey Siyaasi maxamed Qushi, isla markaana ay weheliyaan Xubno kale oo muhiim ah kuwaas  iyaguna   dhammaantood ka soo diga rogtay Xisbiga mucaaridka ah ee  Wadani kuna soo biiray Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE

Munaasibadda soo dhawaynta ah a waxa ugu horayn ka hadlay, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee dalka Boqortooyada Ingiriiska mudane, Axmed Cabdilahi iyo sidoo kale Gudoomiyaha qaarada yurub Cabdiqaadir Cismaan Guud-cade, Xildhibaan Jaamac Dube iyo Ex Wasiir Axmed Cadare.

Gabagabadii ujeedada guud ee munaasibada soo dhawaynta xubnaha ka soo digarogtay Xisbiga wadani kuna soo biiray Xisbiga Kulmiye ayaa daarranayd soo dhawaynta xubnaha cusub ee ku soo biiray xisbiga kulmiye.

Xubnahan kubsoo biiray xisbiga Kulmiye ayaa ka mahad celiyey sida milgaha iyo sharfta leh ee loo soo dhaweeyey, waxaanay sheegeen in hada wixii ka dambeeya ay ka shaqayn doonaan doorkoodana ay ka qaadan doonaan dardar galinta hawlaha xisbiga Kulmiye, maadaba lagu jiro wakhti doorasho inagu soo fooleedahay.