Agaasimaha caafimaadka oo soo kormeeray xarumaha uu ka socdo barnaamijka Damal caafimaad ee gobolka Maroodi Jeex.

0
20

Barnaamijka caafimaadka todobaadkan xubinteena koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Agaasimaha wasaaradda horumarina caafimaadka Somaliland oo soo kormeeray xarumaha uu ka socdo barnaamijka Damal caafimaad ee gobolka Maroodi Jeex.

Masuuliyiintan ayaa kormeer ku soo maray xarumaha uu barnaamijkani ka socdo ee Hargaysa, Gabiley, Sallaxley iyo Baligubadle halkaasi oo ay u kuurgalayeen habsami u socodka barnaamijka Damal caafimaad oo kaalin muhiim ah ugu jira xarumahan caafimaad

Haddab Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, kuwaas oo ka kooban, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex, agaasimayaasha, qaar ka mid ah waaxaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo masuuliyiinta mashruuca Damal caafimaad, ayaa maanta kormeer ku soo maray xarumaha caafimaadka Gobolka Maroodijeex ee uu ka socda mashruuca Damal caafimaad.

Kormeerkan oo laga bilaabay xarumaha caafimaadka ee degmadda Hargaysa ayaa lagu mari doono degmooyinka Hargaysa, Gabiley, Balligubadle iyo Sallaxlay, kormeerkan ayaa lagu hubinayaa habsami u socodka adeegyadda caafimaad ee ay xarumahani bixiyaan iyo in la hubiyo isticmaalka daawooyinkii iyo qalabkii loogu deeqay xarumahan.

Intii uu socday kormeerani ayaa wafigu waxay mid mid kula kulmeen, Masuuliyiinta iyo shaqaalaha xarumaha Hooyadda iyo dhalaanka ee uu ka socdo mashruuca Damal Caafimaad, iyaga oo ka dhagaystay warbixino kala duwan oo ku aadan hanaanka iyo habsami u socodka hawlaha shaqo iyo adeega ay bixiyaan xarumahani, sidoo kale waxay ka dhagaysteen baahiyaha ay qabaan

Iyo hadii ay jiraan caqabado haysta oo ay u baahanyihiin in laga taageero.

Isuduwaha Gobolka, Agaasimaha cududda shaqaalaha iyo madaxa mashruuca Damal Caafimaad ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, oo ka waramay ujeedada kormeerkooda ayaa xusay in muhiimada kormeerkoodani yahay in ay si dhaw ula socdaan hanaanka shaqo iyo adeega ay hayaan xarumaha caafimaadka ee ay maanta kormeerka kusoo mareen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa dhankiisa sheegay in kormeerkan uu maanta hogaaminayaa yahay mid lagu kormeerayo, mashruucii ay lahaanshiyihiisa iyo masuuliyadiisa lahayd Dawladdu Wasaradduna masuulka uga ahayd ee Damal Caafimaad, in ay soo kormeeraan oo ay ka daba tagaan wax walba sidii loogu talo galay in ay u socdaan. Agaasimaha guud ayaa xusay in kormeerkoodu ay kusoo mareen xarumaha caafimaadka ee uu ka socdo mashruuca Damal Caafimaad ay kusoo arkeen in ay socoto shaqo weyn, isagoo bulshada Gobolka Maroodi-jeex kula dardaarmay in ay ku xidhnaadan Xarumaha caafimaad ee Hooyadda iyo dhalaanka oo adeeg badani ka socdo.

Mashruuca Damal caafimaad waxaa maalgalinaya Baanka Aduunka ( World Bank), waxaana uu taageeraa 49 xarumo caafimaad oo ku yaala Gobolka Maroodijeex, waxaana fulinaysa Hay,adda Alight, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadkuna waxay korjoogtaynaysa in uu sida ugu wanaagsan u hirgelo. Mashruuca waxaa loogu talogalay in lagu kordhiyo isla markaana kor loogu qaado tayadda adeegyadda caafimaad ee ay xarumahani bixiyaan.