“Midnimo Dib u Dhex-marta Somaliland iyo Soomaaliya waa Malo-awaal aan Rumoobayn”

0
23

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa dunida Carabta u bandhigtay sababta ay u xidhay Maktabadda dhaqanka ee Dawladda Masar ku lahayd Caasimadda Hargeysa, kana hadashay fashilkii ku yimid Midnimo dhexmarta Somaliland  iyo Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan) oo u warramay Telefiishanka Al-Carabiya oo ka mid ah Warbaahinta Khaliijka Carabta, ayaa sheegay in aanay marnaba suurto-gal ahayn in Somaliland dib ula midowdo dalka Somaaliya “Midowgii aanu la galnay Soomaaliya wuxuu ahaa mid fashil ah, in aanu dib ula midownaana maaha wax suurto-gal ah..”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu, isagoo intaa raaciyey in Somaliland xilligan dedaal ugu jirto sidii ay beesha caalamka uga heli lahayd aqoonsi buuxa.

Wasiirka oo la waydiiyey sababta Dawladdu u xidhay Maktabadda dhaqanka ee Masar ku leedahay Hargeysa, ayaa sheegay in xidhista Maktabadda dhaqanku ay salka ku hayso in hawl-wadeennadeedu faraha kula jireen wax ka duwan sababtii markii hore loo aasaasay.

Wasiirka Warfaafinta Md. Cali Maxamed Xasan ayaa sheegay inaanay dib u dhici doonin midnimo dhexmarta Somaliland iyo Soomaaliya, bulshaduna xaqiiqada ka dheregsan yihiin.