Shacabka Degmada Sabo-wanaag oo si Diirrann u soo Dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland

0
19

 

Sabo-wanaag (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa Khamiisti gaadhay degmada Sabawanaag ee koonfurta caasimadda Hargeysa, waxana halkaas kusoo dhaweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay hormuud u yihiin madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta, haldoorka, haweenka iyo dhallinyaradu.

Bulshada reer Sabawanaag oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyan iyo astaamaha xisbiga KULMIYE, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay duleedka degmada, waxana ay u gelbiyeen goob fagaare ah oo loo qorsheeyey inuu madaxweynuhu bulshada kala hadlo.

Guddoonka degmada, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo halkaas kahadlay, ayaa si weyn usoo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay si cad u sheegeen in bulshada reer Sabawanaag ay taageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisa, islamarkaana ay xukuumaddu wax badan ka qabatay degmada iyo deegaannada hoos yimaadda.

Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Horumarinta caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo hadallo kala duwan madasha soo dhaweynta ah ka jeediyey, ayaa sharraxay waxqabadka ballaadhan ee xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay deegaanka Sabawanaag, waxana ay bulshada ugu baaqeen inay codkooda abaal-gud uga dhigaan KULMIYE.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay bulshada reer Sabawanaag, ayaa si kal iyo laab ah ugaga mahadnaqay sida ballaadhan ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxana hoosta ka xarriiqay taariikhda mugga leh ee degmada Sabawanaag iyo dadkeeduba caanka ku yihiin iyo kaalintii lama illaawaanka ahayd ee ay ku lahaayeen nabadayntii iyo dhismihii Jamhuuriyadda Somaliland.