Shacabku Waa in ay Doortaan Qof Aan la Ciir-ciireyn Qarannimada Somaliland..” Madaxweynaha

0
48

Madaxweynaha oo ka fal-celiyay waraysi uu siiyay Telefiishanka Al-Carabiya

 “Pro Samater waxaan leeyahay ha ku niyad jabin xag-xagashada siyaasada”

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay hoggaaminta dalka u doortaan qof aan la ciir ciireynin qarannimadooda, isla markaana ay doorashada fooda inagu soo haysa ay u xushaan qof hanankara qarannimada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo bulshada reer Somaliland kula dardaarmay in ay codkooda ku muujiyaan go’aankooda iyo sida ay uga go’antahay qadiyadda iyo jiritaanka Qarannimada Somaliland, sidoo kalena codkaaga ay tuhunkaga kaga saaraan cid reer Somaliland ah baa Xamar dooneysa.

Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Maanta oo aynu ku jirno xilli doorasho, oo maalmo koobani ka hadheen, bulshada Somaliland waxaan ka codsanayaa in ay codkooda kaga saaraan tuhun ah cid reer Somaliland ah baa Xamar dooneysa,  doorashada maantu waa in ay arrintaas caalamka u caddeysaa, codkoodana ay ku hubsadaan qof aan ala ciir-ciireyn qarannimada Somaliland.”

Madaxweynuhu waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibadii Qalin-jabinta Machadka Shaqaalaha Dawladda Somaliland, isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaasi raaciyay “Laba qodob ayaan doonaya in aan ogeysiiyo bulshada Somaliland meel ay joogtaba, maalin dhawayd waxa i waraystay TV la yidhaahdo Al-Carabiya, su’aal bay saddex jeer igu soo cel-celiyeen, su’aaashasi waxay ahayd, Somaliland waxa la lee yahay in badan baa diidan goo’ni isu taagga oo Xamar doonaysa ee maxaad ka leedahay?

Markaan ku idhi 99% waannu isku raacsannahay oo dadka ayaa Somaliland dhistayna, haddana mar labaad buu igu soo celiyay, markii saddexna waxan ku idhi waa sidaa aan kuu sheegay.

Halkaa waxaan ka dareemay in ay dad badani war u sheegeen iyaga iyo Saaxafadda Caalamka, sababta oo ah, intaas saddex jeer igumay soo celiyeen”.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  waxa uu tilmaamay in qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku timid go’aan shacab, isla markaana ay kaga go’adey Soomaaliya inteeda kale, waxaanu yidhi “Warka aan sheegayay ee ahaa waa go’aan shacab, waa go’aankii reer Somaliland, 1991-kii ay Soomaaliya dib ugala soo noqdeen xornimadoodii, maantana ay xor ku yihiin.

Bulshada waxaan leeyahay laba uun baynu ku mideysannahay, inta kale waynu ku kala duwanahay, labada aynu ka midaysannahay waa Qaranimada iyo Dastuurka oo aynu u wada codeynay xiligaas wixii joogey, wixii ka dambeeyayna way ku raaceen, waxaanan qabaa in 99% la isku raacsanahay, haddii kale meynaan soconeen, oo intaasi oo doorasho maynaan galneen oo intaasi oo dagaal wax iskamaynaan celineen, oo intaasi oo dhibaato kamaynaan soo badbaadneen.”

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland ayaa guddoomiyaha urur siyaasadeedka Hilaac Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ka  codsadey in aanu ku niyad jabin xagxagashada siyaasada Somaliland, waxaanu yidhi “Axmed Ismaaciil Samatar na waxaan leeyahay ha ku niyad jabin siyaasadu gardaraadaa way leedahay, da’dii odeynimo ee dalka wax u tari-lahaana waad joogta ee adkeyso, dalkana kaalin odeynimo ka gal.”