Maxay Dadku Ku Fahmi Waayeen!

0
85

Mararka qaarkood waxa dhacda inaad laabta ka dareento cidhiidhi iyadoo ay sabab u tahay dadka oo ku fahmi waayay ama ku dhaliilaya. Dareenkaasiย  yaanu kugu keenin dhibaato, maxaa yeelay maaha arrin khasab ah inay dadka oo dhami kuwada fahmaan, waxa kugu filan inaad adigu naftaadaย  fahanto.

Ogow haddii aad wanaagsanaato dadku way ku eedaynayaan mar kasta, laakiin adigu samee arinka wanaagsan. Haddii aad guulaysatona waxaad ku guuleysan doontaa saaxiibo badan oo ku hareera jooga iyo cadow dhab ah oo ka soo horjeeda.

Si kastaba waa inaad guulaysataa. Dadka runtii waxay u baahan yihiin kaalmo, laakiin way ku dhallecaynayaan haddii aad iyaga caawiso. Laakiin mar kasta kaalmee si aad ugu raaxaysato nolosha wanaagsan ugana baxdo cidhiiga iyo diiqada nolosha xasadka, niyad jabka iyo cuqdadu ku lamaan tahay.