Hadalkaygii Maalintii Dhawayd si kale ayaa loo Bedelay waxba lama Qaban Maan Odhan.”Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland

0
32

Khadar.M.Dhako.

 

Hargeysa(Dawan):-Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay  in   Warbaahintu ay majarahabaabiyeen hadal uu  maalin dhawayd kaga hadlayay nolosha dadka.

 

 

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici

ayaa intaa ku daray in si kale loo dhigay hadal uu kaga hadlayay sidii loo bedeli lahaa nolosha  dadka.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan  Saylici oo Arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Hadal kaygii Maalintii dhawayd  ayaa si kale loo bedelay waxaan ka hadlayay nolosha sidii loo bedeli lahaa, oo Umadda dhaqankeeda loo bedeli lahaa ayaan ka hadlayay.waxaan ka hadlay in dalka dhibaato loo soo maray iyo xagashada lagu hayo Nin kasta  iyo hoos u jiidashada iyo qabyaalada,waxba lama qaban maan odhan dalku waxbuu qabsaday waana ay ina wada saaran tagay dhqankaa gaabiska in aynu ka gudubno.”