Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Bulshada Caalamka

0
44

Qore: Boqore Axmed Cabdi

 

Hargaysa (Dawan) Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa  xaruntooda kulan kula yeeshay xubno ka socda Bulshada Caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya arimaha Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka.

 

Kulankan waxa qayb ka ahaa Xubno kale oo iyaguna shirka kala soo qaybgalay habka fogaan-aragga (Call Conference) kuwaasi oo ka qayb qaadanayay kulankan lagaga hadlayay arrimaha Doorashooyinka dalka.

 

Kulanka waxa ka soo qayb galay wakiillo matelaya dalalka UK, USA, Sweden, Finland, Germany, Denmark, Taiwan, Belgium, iyo Midowga Yurub, Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa uga warbixiyay warbixiyey halka ay marayaan hawlaha diyaar-garowga doorashooyinka JSL oo hadda maraya heer gebogebo ah.

 

Xubnaha ka socday Bulshada caalamka ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka uga mahadnaqay hawlaha u diyaar-garowga doorashooyinka isku sidkan ee ay Komishanku ku hawlan yihiin.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iyagu na si gaar ah uga mahadceliyey waddammada UK, Taiwan iyo EU oo taageero dhaqaale ka gaystay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL ee 13 November 2024.