Urur-siyaasadeedka Rejo oo Beeniyay in uu Ku Biiray Waddani Laba Xubnoon na Ururka ka Saaray

0
46

Qore: Cabdiwahaab Daahir

 

Haragsa, (Dawan) Urur siyaasadeedka Rejo ayaa beeniyey warar sheegayey in urur ka Rejo uu ku biiray Xisbiga waddani, waxaa kale oo Urur siyaasadeedka REJO uu sheegay in ururka laga saaray laba xubnood oo ku gafay xeer hoosaadka ururka isla markaana ay ku cadaatay in ay ururo kale hoosta kala shaqaynaeen sida ay  sheegeen Masuuliyiinta urur siyaasadeedka REJO.

 

Urur siyaasadeedka REJO oo warbaahinta shalay la hadlay ayaa yidhi.”Urur siyaasadeedka Rejo waxa uu ku war gelinayaa dhammaan masuuliyiinta Urur siyaasadeedka REJO, DhamMaan Hay’adaha  Qaranka ee ay khusayso, In Urur siyaasadeedka Rejo xilkii iyo xubinimadiiba ka xayuubiyey mudane Cali Saleebaan,  sidoo kale waxa Ururku caddaynayaa in mudane Cabdirishiid Muxumed Toosane sheegtay xil aanu Urur siyaasadeedka Rejo u magacaabin marar badan.”

 

Geesta kale xoghayaha warfaafinta  urur siyaasadeedka Rejo mudane Cabdifataax Cabdilahi,ayaa intaa raaciyay .”waxan beeninayaa oo aan bulshada reer Somaliland iyo taageerayaasha urur siyaasadeedka Rejo u cadaynayaa, warqadii  baraha bulshada la dhexmarinayey ee ahayd, in urur siyaasadeedka  REJO uu ku biiray Xisbiga Wadani inay tahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxanan ka urur rajo ahaan u aragnaa meel ka dhac.”