“Xukuumada Somaliland oo Sheegtay In Cashuurtii Muwaadiniinta Laga Bixiyay Lacagta Doorashooyinka

0
42

 

Qore: Boqore Axmed Cabdi

 

Hargaysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in cashuurtii bulshada laga bixiyay lacagta Doorashooyinka isa-saaran ee dalka ka qabsoomaysa dhamaadka sanadkan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa sheegay in dawladdu ay cashuurta dadwaynaha ka bixisay lacagtii Doorashooyinka isku sidkan, iyada oo aan cid ka caawisay aanay jirin waxaanu yidhi

“ Waxa ay Xukuumaddu ku faanaysaa mashruucii sanadkan innoogu waynaa oo ahaa Doorashada isa-saaran oo ay dawladdu bixisay bishii July, waxa laga yaabaa inay dadku maqleen lacagtii Doorashada waa la bixiyay laakiin waxa laga bixiyay waa cashuurtii dawladda, shillin meel kale ka soo galay 10 Milyan ma jiro waa cashuurtii aad bixiseen”.

 

Wasiirku xigeenka wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo soo kormeeray wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta ayaa bulshada ugu baaqay inay mar kasta ka qayb qaataan bixin cashuuraha dalka si loo gaadho himilooyinka uu Qaranku hiigsanayo waxaanu yidhi

“Imikana waxaanu idinku dhiirigaleniynaa in aad nagala qayb qaadataan oo wali waa la idiin baahan yahay dunidu horumar badan bay higsanaysaa, inta dunidu socotana cashuurtu way jiraysaa”.