Xukuumadda oo Sheegtay in la Xidhay Dad Kaadhadhkii Codeynta Ka Ururiyay Taageereyaasha Xisbiga KULMIYE

0
58

Qore Khadar M . Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in jeelasha lagu gurey dad la soo qabtay iyaga oo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ka ururinaya kaadhadhkii codeynta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kaadhadhka codeynta ee laga ururiyay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ujeedada looga ururiyay inay ahayd in la gubo, waxaanu ku tilmaamay wax laga xumaado.

Waxaanu yidhi. “Kaadhadhka maxaa lagu falaya waxa laga ururinaya taageerayaasha xisbiga KULMIYE, haddii ay Hargeysa ku nool yihiin, haddii ay Burco ku nool yihiin, hadda waxa xidhan dadka qaar kaadhadhkii iyaga oo bulshada ka ururiyay lagu qabtay.

Ujeedada dadkaasi kaadhadhka looga ururinaya waxa weeye in la gubo, anagu waxa aanu idin faraynaa xisbiga KULMIYE, madaxdiisa, hoggaankiisa buugiisa siyaasiga ah ee la soo bandhigey kuma jirto inaynu dad muwaadiniin ah oo xaqle intuu ururiyo Kaadhadhkoodii si aanay u codeyn deetana uu u gubo, ma sharafba? Ma waddanimaa? Waxay tahay iyaga ayaa macneyn doona, waxaanu leenahay ceebaha noocaas ah waanu ka fognahay.

Dhallinyaroy haku talagalina, hana ku xisaabtamina, in qof muwaadin ah inta aynu kaadhsa soo qaadno gudbno, xaqbu u leeyahay in uu codka ina siiyo, xaqna wuu u leeyahay inuu ina siin waayo, inta doorashooyinka iyo dimuquraadiyadaba loo sameynaya waa intaas”