Guddoomiyaha Cusub Ee Jaamacadda GOLLIS Faraceedda Berbera Oo Xilka La Wareegay

0
47

Khaddar Cabdi Muuse

Berbera (Dawan): Guddoomiyaha cusub ee jaamacadda GOLLIS faraceeda magaaladda Berbera Nuux Maxamed Saleebaan, ayaa shalay xilka guddoomiyenimo kala wareegay guddoomiyihii hore ee jaamacadaasi Naasir Xaaji Cali Shire.

Xaflada balaadhan oo loo sameeyay xil wareejinta guddoomiyaha cusub oo ka qabsoontay hoolka jaamacadda GOLLIS faraceedda Berbera, waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha gobolka Saaxil, xildhibaano ka tirsan goleyaasha baarlamaanka Somaliland.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay maamulka dawladda hoose ee degmadda Berbera, xubno ka mid ah isu-duweyaasha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee gobolka Saaxil, mamaulka iyo macalimiinta jaamacadda GOLLIS, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha cusub ee jaamacadda GOLLIS qaybteedda gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan, oo madashaasi hadal ka jeediyay ayaa bulshadda ka codsaday inay ugu duceeyaan in xilka loo igmaday uu ALLE SWT u fududeeyo, isagoona ku dhawaaqay in ardayda ugu saraysa gobolka Saaxil uu siin doono waxbarasho bilaash ah.

“Marka aad jaamacad masuuliyadeedda qaado, waxay taasi muujinaysaa sawirka ay yeelanayso ummada aad soo saaraysaa. Intaa aan idiin sheegay iyo in kaloo badaniba waxay igu dhiiri gelisay, in ay I garab istaagi doonaa.

Waxaa iga go’an in aan kor u qaadi doono tayadda jaamacadda, waxa kaloo aan balan qaadayaa in dhamaanba dugsiyada sare ee  ku yaalla gobolka Saaxil, iskuul walba oo dugsi sare ah, ardayga ugu sareeya deeq waxbarasho oo bilaash ah siiyo.

Ugu danbayn, waxaan idinka codsanayaa in aad dhamaantiinba ducada I raacisaan, in ALLE SWT shaqada ii fududeeyo” ayuu yidhi guddoomiyaha cusub ee jaamacadda GOLIIS faraceedda Berbera Nuux Maxamed Saleebaan.

Guddoomiyihii hore  ee jaamacadda GOLLIS qaybteedda Berbera Prof. Naasir Xaaji Cali Shire, oo xafladii uu xilka ku wareejinayay hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudada dheer ee uu hayay xilka jaamacadaasi.

Waxaanu sheegay in guddoomiyaha cusub ee xilka kala wareegay uu hore uga mid ahaa macalimiinta wax ka dhiga jaamacadda, isagoona xusay in mudadda uu xilka jaamacadda GOLLIS qaybteedda Berbera hayay ay u qabsoomeen waxyaabo fara badan.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa kaloo hanbalyo ah, maadaama oo aan ka mid nahay bahda jaamacadda GOLLIS, in aan u dabaal degnay sanad guuradii 20aad ee  ka soo wareegtay markii la aasaasay jaamacadda GOLIS. Haddii aan wax yar idiinka tilmaamo guddoomiyaha Cusub, waxa uu muddo ka mid ahaa macalimiinta jaamacadda wax ka dhiga”.

Guddoomiyihii hore  ee jaamacadda GOLLIS qaybteedda Berbera Naasir Xaaji Cali Shirre, ayaa isagu muddo aad u dheer oo ilaa lix iyo toban sanadood ah soo hayay xilka guddoomiyenimo ee jaamacadda GOLLIS faraceedda gobolka Saaxil.

Dhinaca kale waxaaa iyagna halkaa hadalo ka jeediyay xubno ka mid ah macalimiinta jaamacadda GOLLIS qaybteeda gobolka Saaxil, kuwaasoo soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub, isla markaana sii sa gootiyay guuddoomiyaha hore.

 

Gebagebadii guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi C/laahi (Cali-case), oo halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee jaamacadda GOLLIS qaybteedda Berbera ee xilka la wareegay, halka uu sii sagootiyay guddoomiyihii hore.