Komishanka Doorashooyinka JSL iyo Guddida Xuquuqul Insaanka oo Isla Qaatay In Bulshada Naafada ah Ay Helaan Xaqooda Doorashada

0
67

Qore: Boqore Axmed Cabdi

 

Hargaysa (Dawan) Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Guddida Xuquuqul Insaanka ayaa ka wada hadlay sidii Bulshada nugul iyo dadka Naafada ah ay uga qayb qaadan lahaayeen Doorashooyinkan dalka ka qabsoomaya.

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa kulan la yeeshay Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komishanka Md. Maxamed Baaruud Cali iyo xubno ka mid ah Komishankaasi.

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa uga warbixiyey gudidda Xuquuqul Insaanka Qaranka halka ay marayaan hawlaha diyaar-garowga doorashooyinka Somaliland iyo sida ay Komishan ahaan u wadaan hawlah kuwaasi oo hadda maraya heer gebo’gebo ah.

 

Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL ayaa Komishanka Doorashooyinka dalka ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixinayaan diyaar-garowga doorashooyinka iyo sida ay shaqada u wadaan ilaa hadda oo laga dheehanayo inay si habsam leh u wadaan.

 

Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL ayaa iyagu na dhankooda waxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka tallooyin ka siiyeen arrimaha u baahan tixgalinta gaarka ah sida taageerada iyo wacyigalinta dadka nugul iyo dadka naafada ah xilliyada doorashada iyo codbixinta labadaba.

 

Komishan Doorashooyinka iyo guddida Xuquuqul Insaanka Qaranku waxay isla qaateen innay ka wada shaqeeyaan shaqooyinka middeeya ee ay ugu horeeyaan hawlaha bulshada baahiyaha gaarka ah leh ee xillaga doorashada, loona ada guntado sidii bulshadaasi u heli lahaayeen adeegyadda ay xaqa u leeyihiin xiliga Doorashada iyo codaynta labadaba.