Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha Somaliland oo la Muddeeyay

0
66

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in 8 bisha October, in la qaban doono shirweynihi saddexaad ee madasha dhaqaalaha Somaliland, ee  sanadka 2024-ka.

Sidoo kale waxa uu xusay in shirkani uu kulmiyo, xukuumadd, ganacsatada iyo aqoonyahanka, iyada oo lagu lafa-guro arrimaha dhaqaalaha dalka.

Dhanka kale waxa uu sheegay in sannadkan hal ku dhig looga dhigey, horumarinta dhaqaalaha, waxaanu tilmaamay in la horumarinayo adeegbixinta bulshada.

“Shirkan shaqaalaha sannadkani waa sannadkii saddexaad, waxaana qabanqaabiya wasaaraddaha ku bahoobay guddida dhaqaalaha ee golaha wasiiradda.

Shirkani waxa uu isu keena dowladda, ganacsatada, aqoonyahanka, waxa lagaga dooda arrimaha dhaqaalaha, ee markaas jira iyo kuwa soo socdaba, hal-ku-dhigiisuna waxa weeye, wada shaqaynta hay’addaha dowladda iyo u adeegista maalgashadayaasha iyo ganacsatada, innaga dhaqaalaheenu waxa u uku fadhiya qaybta gaarka loo leeyahay ee la yidhaahdo ganacsiga”