Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda oo la Ansixiyay

0
63

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay cod gacan taag ah ku ansixiyey xeerka hawlgabka, xaqsiinta shaqaalaha Dawladda,Xeer lambar-108/2024, kaas oo hore uga soo gudbey Golaha wakiiladda Somaliland.

Fadhigii shalay  ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golahaas waxay cod gacan taag ah ku meel mariyeen Xeerka hawlgabka iyo  xaqsiinta shaqaalaha Dawladda Somaliland.

Fadhigaas oo ku sugnaayeen 54 Xildhibaan, ayaa markii cod loo qaadey Xeerkaas ayaa waxaa ogolaadey 47 Mudane, waxaa diidey 4 Mudane, waxaa ka aamusey 2 mudane, guddoomiyuhuna ma codeyn, sidaas ayey Mudanayaashu ku meelmariyeen Xeerkaas.

Ka hor intii aan la ansixin xeerkaas ayaa guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane- Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxa uu kala dooransiiyey laba soo jeedimeed oo kala in xeerkaas lagu meelmariyo wax ka baddelkii iyo kaabistii ku soo sameeyeen Guddi hoosaadka Guddida arrimaha bulshadda ee Golaha Guurtida Somaliland iyo in xeerkaas duuduub lagu ansixiyo.

Iyagoo Mudanayaashu isla qaatey in xeerkaas lagu meelmariyo wax ka baddelkii iyo kaabistii ku soo sameeyeen xeerkaas Guddi hoosaadka Guddida arrimaha bulshadda ee Golahaasi, marka laga saaro qodobka 72-aad oo ka hadlaya mudada sanduuqa howlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha Dawladda mudadoo cagahiisa isku taagi karo, in Masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladdu gacanta ku hayaan, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland uu xusey in sanduuqaas iyo howlihiisaba maamuli doonaan hay-adda howlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha Dawladda Somaliland oo looga dambeyn doono howlaha maaliyadeed ee Sanduuqaas.

Dhinaca kalena, guddoomiyaha Golaha  Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Golahaasi ku wargaliyey in dhawaan Mudanayaashu u kala bixi doonaan Goboladda iyo Degmooyinka Dalka, si Mudanayaashu Bulshadda ugu wecyigaliyaan Arrimaha Nabadgalyada ee Wadanka, Maadaama Dalka ku soo food leeyihiin Doorashooyinkii isku sidkanaa.