Xidigaha Geesku waxay la mid Noqdeen Siyaasiyiinta Marba Xisbi ku Biira”

0
44

Qore Khaalid Idiris Muxumed

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland  Mudane Mustafe Cabdi Ciise Shiine,  ayaa  Koox faneedka xidigaha Geeska, ku sifeeyay inay la mid yihiin siyaasiyiinta hadba xisbi ku biira marka ay danahooda ka waayaan.

Sidoo kale agaasimuhu waxa uu sheegay in fanaaniinta iyo hal-abuurku ahaayeen kuwa ka shaqeeya isku haynta, wada-jirka iyo isku-wadka bulshada, balse waxa uu xusay in fanaaniintu ay la mid noqdeen siyaasiyiinta hadba meesha ay wax ka waayeen maahe meesha kale taaga.

Geesta kale waxa uu sheegay in qolyaha isbedel doonku ay yihiin kuwii ay siyaasada ku soowada jireen 20-ka sano, waxaanu tilmaamay in aanay u muuqan cid isbeddel  keeni karta.

Waxaanu yidhi.“Waxa aynu ku jirna xilli siyaasadeed, waad arkeyseen in maalin dhaweyd ololihi bilaabmay, halkani waa goob jaamacadeed in siyaasada lagaga hadlana ma haboona, balse wixii dhaqan xumo ah ee soo kordha in bulshada lala wadaago weeyaan,

fanaaniinta iyo hal abuurku waxay ahaayeen kuwa markasta bulshada u horseeda wanaaga, isku haynta iyo isku-wadka, maahase kuwa hees inooga dhiga oo Muusic saara codadka mucaaridka iyo inta xun, oo inoo soogudbiya maaha, hase ahaate waxaad aragteen in dhaweyd in fannaaniinteeni inay la mid noqdeen siyaasiyiinta hadba meesha ay wax ka waayaan maahe meesha kale taga.”

Geesta kale waxa uu sheegay in qolyaha isbedel doonku ay yihiin kuwii ay siyaasada ku soowada jireen 20-ka sano, waxaanu tilmaamay in aanay u muuqan cid isbeddel  keeni karta.

Waxaanu yidhi.“Isbedel doon iyo xukuumadda shalay joogta ayuu shalay tartanku ka dhaxeeyaa, isbeddel doonka ayaa innagu cusub, cidda isbeddel dooneysana waa in la isweydiiyo weeyi, shalay cid innaagu cusub oo isbeddel inoo wada ma arkayo waa saaxiibadii waa nimankii aanu 20-ka sano siyaasada ku soo wada jirnay, ayaa ina leh isbeddel ayaanu keenayna waana intii xilka ka weyday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.”

Gaba-gabadii agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafintu waxa uu bulshada ugu baaqay inay ilaalinta nabadgelyada meel uga soo wada jeestaan.

Waxaanu yidhi. “Waxaan soojeedinaya  in nabadgelyada guud ee dalka aynu wada ilaashano, xukuumadda shalay joogtana waxa habboon in la siiyo fursad ay ku dhammeystirto wixii ka qaybyo ah”