“Xisbiga Kulmiye waxa uu Dhufaysyada ka soo Saaray Cadawga Somaliland,”.Cabdicasiis Samaale

0
60

 

Khadar.M.Dhako.

 

Hargeysa( Dawan)Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale  ayaa sheegay in cadawga Somaliland ay dhibsanayaan in uu talada sii hayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Cabdicasiis Maxamed Samaale  ayaa waxa uu intasi ku daray in Xisbiga Kulmiye dhufaysyada ka soo saaray cadawga Somaliland.

 

Cabdicasiis  Samaale oo Arimahaasi  ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Cida buuqaysa ee dhibsanaysa  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waa cadawga Somaliland,cadawga Somaliand waxa ay ka baqayaan in  Madaxweynaha talada sii hayo.cadawgii Somaliland oo dhami waxa uu leeyahay inaga ilaaliya oo  halala dagaalamo xisbiga Kulmiye.waxaana xisbiga Kulmiye dhufaysyada ka soo saaray cadawga Somaliland.shacabka Somaliland waxa ay dooranayaan cida cadawgooda ka qaylisiisay soo maaha.Xisbiga Kulmiye waa xisbigii guusha walaaladeena ayaynu tartamaynaa,miyaanay ahayn kuwii aynu ka badinay.waxa iyaga saa,iido ku ah xubno xilal ka hayn jiray Xisbiga Kulmiye ayaa ku biiray dhicitaankii ayay usii siyaadinayaan,”.