Golaha Guurtida oo Dood Adag ka Yeeshay Xaalada Sarif-bararka

0
54

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa dood ka yeeshay horumarinta arrimaha dhaqaalaha dalka. Fadhigi golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoomineyay guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudaneyaashu waxa ay ka hadleen sare u kaca ku yimid lacgata qalaad ee dollarka iyo hoos u dhaca shilinka Somaliland, waxaaney sheegeen in saameyn xoogan ku yeeshay Shilinka Somaliiland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaaney siyaabo kala duwan uga tallo bixiyeen sarif bararka dalka ka jira ee aan maalina maalin ku darin, waxaney bulshada ku booriyeen inay badaniyaan tabcashada wax soo saarka beeraha.

Dhanka kale waxa ay bangiyada Islaamiga ah ku dhaliileen inay joojiyeen maalgelintii bulshada ee dhinaca wax soo saarka , waxaaney tilmaameen inay ku baddaleen iibsiga dhulka, waxaaney fareen inay dardaargelin ku sameeyaan wax soo saarka bulshada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa sheegay in uu meel adag marayo sarif bararka ragaadiyay noloshii bulshada, waxaaney hoosta ka xariiqeen in lacagta qalaad ee dollarku ay ka xoog badatay tii dalka, waxa ay carabka u adkeeyeen in loo baahan yahay in xukuumaddu qorshe ka yeelato sidii xal loogu helilahaa, waxa ay farta ku fiiqeen in uu sameyn ku yeesheen adeegyadii aasaaska u ahaa nolosha bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, qowtal daruuriga iyo guud ahaan adeegbixinta bulshada.

Gaba-gabadii waxa uu guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan Faray guddiyada kala duwan ee golaha in guddi kasta soo diyaariyaan warbixinta inta ka khuseysay ajandihii Kalfadhiga hadda dhammaadka ah ee golaha si goluhuna uga siiyaan warbixin buuxda.