“Innagu Cid Gaar ah ma Caayayno ee Qaranka ayaynu Difaacaynaa” Agaasimaha Geed ee Wasaaradda Warfaafinta JSL

0
44

 

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Mudane Mustafe Cabdi Ciise, ayaa kulan la qaatay waaxda dhaqanka ee wasaaraddaaso

Sidoo kale waxa uu sheegay in waaxda dhaqanku wasaaradda iyo dalkaba ay u qaabilsan yihiin ilaalinta dhaqanka, waxaanu fanaaniinta kula dardaarmay inay ilaalinta dhaqanka iyo anshaxa suuban.

Geesta kale waxa uu fannaaninta ku booriyay in waaxda dhaqanka iyo wasaaradda warfaafintu aanay ahayn meel laga weeraro cid gaara ama laga soo saaro riwaayo, heeso iyo fariimo lagu durayo cid khaas ah, taasi beddelkeedana waxa uu xusay inay u taagan yihiin ilaalinta dhaqanka iyo arrimaha bulshada ee waxtarka u leh Qaranka JSL.

Waxaanu yidhi “Waxa wanaagsan in aynu wada shaqayno, oo sifiican uwada shaqayno, anagu ma rabno in cid la caayo, halkani waa waaxda dhaqanka iyo wacyigelinta, halkan ka soo saari meyno ruwaayado wax lagu caayo, heeso wax lagu caayayo, majaajilo wax lagu maagayo, waxa aynu halkan ka soo saarayna wax bulshadan faa’ido u ah wixii qaldan ee dhaqan xumo ahna sheegaya wixii wanaagsana sheegaya innagu cid gaar ah ma caayayno ee qarankeenna ayaynu difaacaynaa”