Maayarka Ceel-afweyn iyo Xildhibaano ku biiray Kulmiye

0
43

Qore: Khalid idiris

Hargaysa (Dawan)Hogaan sare ee xisbiga talada dalka haya ee kulmiye ayaa xarunta guud ee xisbigagaasi kusoo dhaweeyay Maayirka degmada ceel-afwayn iyo xubno kamida xildhibaanada golaha deegaanka ee dagmada ceel afwayn.

Xubnahan xildhibaanada ah ayaa ka diga rogtay xisbiyada mucaaradka ah ee wadani iyo ucid, islmarkaasna sheegay ina hada wixi ka dabeeya ay la shaqayndoonaan xisbiga kulmiye, yihiina masuuliyiin ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee kulmiye. Sidoo kalena Waxay halkaasi ka sheegeen in maanta laga bilaabo ay si rasmi ah ula shaqayn doonaan xisbiga talada dalka haya ee kulmiye.

Gabagabaidii waxa halaasi ka hadlay Maayirka degmada ceel afwayn oo halkaasi hadlay ayaa hadaladiisii waxaa ka mid ahaa.”Waxaanu joognaa xarumta xisbiga kulmiye, waxaan kasoo baxay xisbiga ucid waxaanan si rasmiya ugu Soo biiray xisbiga kulmiye anigoo ah Maayirka degmada ceel-afwayn”