Madaxweynaha iyo Maxamed Kaahin Jabhaddii ayay Ahaayeen oo Shaki Gelinmaayaan Qarannimada JSL”

0
54

“Waxaanu kala mid nahay xisbiga Kulmiye gooni isku taagga Somaliland iyo hirgelinta heshiiska MoU-ga” Faysal Cali Waraabe

 

 

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiir arrimaha gudaha Maxamed Kaahin ay ahaayeen ururkii SNM ee xoreeyay dalka, isla markaana aan looga baqayn in ay shaki geliyaan gooni isu taaga iyo qaranimada Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu intaasi ku daray in xukuumadda Somaliland ay isku afkaar iyo isku mawqif ka yihiin difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hirgelinta Heshiiska MoU-ga iyo in doorashada wakhtigeedii ku qabsoonto.

Faysal Cali Waraabe oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed jabhadii SNM ayay ahaayeen, shaki ma galinayaan gooni isu taaga dalka. waxa aanu kala mid nahay xisbiga Kulmiye gooni isku taagga Somaliland iyo hirgelinta heshiiska MoU-ga, Ciidamadii Somaliland ayaa la aflagaadeeyay oo hees loo tiriyay Maxaabiistii ayay leeyihiin ha soo daynina. Muuse ayaa magac ku helayee. Xisbiga Waddani wixii Somaliland necbaa ayaa lacag u ururinaya. sidee u dhici kartaa Inta uu Xisbiga Waddani Ciidankii laayey Haddana Cabdiraxmaan Cirro yidhaahdo musharax ayaan ahay”.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu farriin u diray Xildhibaan Maxamed Abiib oo Maxkamada Sare xoriyadisiii u soo celisay. Waxaana uu yidhi “Waxaan hambalyaynayaa Maxkamadda sare oo Xildhibaankii soo daysay, Xildhibaan Maxamed Abiib waxa aan leeyahay dalkaaga nabedgalyadiisa ka shaqee. adiga oo hebel u jeeda wixii dhibaato dalkaaga u keenaya ha gaadhsiin, sharafta Xildhibaanimada ilaali. wax wanaagsan in aad ku hadasho weeye.”