“Qorshaha Cirro Waa in Aanu UCID Xisbi Noqon…” Wasiir Buuni

0
55

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdinaasi Muxumed Xasan Buuni ayaa tilmaamay in murashaxa xisbiga Waddani uu qorshihiisu yahay in saaxadda siyaasada laga saaro xisbiga Ucid oo ku suntan difaaca Qaranimada Somlailand, waxaanu ugu baaqay bulshada xisbiga Ucid in aanay codka siinin xisbiga Waddani oo raba inuu Ucid meesha ka saaro waxaanu yidhi

“Cabdiraxmaan Cirro waxa uu dhawaan sheegay in Kaah la soo saaro isaga oo ujeeda in Faysal Cali Waraabe aanu soo bixin, dadka deegaanada uu ka soo jeedo Faysal Cali Waraabe ma gayaan inuu Cabdiraxmaan cod madaxwayne ka doono Ucidna xaasada ka saaro laba is qabata maaha, taasina waxaanu leenahay xisbiyo inay inaga baaba’aan oo si siyaasadaysan ku baaba’aan ma aqbalayno, Ucid Kulmiye ahaan waxaanu u haynaa in difaaca Qaranimada aanu ka siman nahay”.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa bayaamiyay sababaha uu Cabdiraxmaan Cirro u doonayo inuu meesha uga saaro xisbiga Ucid waxaanu yidhi

“Sababaha Cabdiraxmaan Cirro Ucid saaxada uga saarayaa wax kale maahee waa difaac Qaranimada uu ka adag yahay weeye, annaguna waxa aanu leenahay Ucid inay soo baxdo oo xisbi Qaran noqoto cuqdad kama qabno, waayo Qaranimada ayaanu ka siman nahay”.

Gebo’gabadii wsiirka wasaaradda Dastuurka ayaa fariin u diray taageerayaasha xisbiga Ucid waxaanu yidhi

“Dadka deegaanka Faysal Cali Waraabe ka soo jeedo waxaanu leenahay Cabdiraxmaan xaq idiinkuma laha cod madaxwaynena isiiya Ucidna ha baaba\do Kaahna ha soo baxdo”.