Warbixinta: Guulaha Darlington-Gacma Dheere- Foundation iyo Sannad-guuradiisa 13-aad

0
55

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Hay’adda Darlington-Gacmo-dheere-foundation, ayaa shalay magaalada Hargeysa ku qabtay munaasibad loogu dabaal-degayay sannad guuraadii 13-aad ee ka soo wareegtay asaaska iyo bud-dhiga hay’addaasi.

Munaasibadan oo lagu qabtay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa lagu soo bandhigey guulihii iyo waxqabadkii ay gaadhay Hay’adda Darlington-Gacma-Dheere Foundation mudadii 13-ka sanno ahayd ee ay jirtay, waxaana ka soo qayb galay madax iyo masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah hal doorka Somaliland.

Hay’adda Darlington-Gacmo-dheere-foundation waa urur aan faa’iido doon ahayn oo loogu talagalay in lagu horumariyo waxbarashada dhalinyarada reer Somaliland ee aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashaadka Jaamacadaha, isla markaana kaalmaha hore ka galaya waxbarashada dugsiyada sare, waxaana la asaasay samnadkii 2011-kii, sanadkan waxaa laga joogaa saddex iyo toban guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay.

Ururkan ayaa waxaa asaasay ardaydii ka qalin jabisay dugsigii Ex-Sheekh oo loogu magac daray macalinkoodii ay jeclaayeen Darlington –Gacmodheere.

Ilaa hadda, hay’addu waxa ay kafaalo-qaadday 82 arday oo ka kala socday gobollada Somaliland; konton iyo siddeed (58) arday ayaa hore uga qalin jabiyay kulliyado kala duwan, imikana meelo kala duwan oo Somaliland ah ayay shaqooyin kala duwan ka heleen. Hay’adda ayaa bixisa kharashka jaamacadaha iyo sidoo kale kharashka buugaagta.

Ardeyda la kafaalo qaaday waxay barteen kuliyado kala duwan sida Business, Law, Medicine, Engineering, ICT, Education, Laborites, Public Health, iyaga oo ay ardaydu doortaan kuliyadaha ay rabaan, cadaadis la’aan iyo inay ku biiraan Jaamacadaha ay xiisaynayaan haddii ay tahay mid gaar loo leeyahay ama mid guud. sida Hargeysa University , Camuud University, Golis University, Sanaag University, Burco University, Berbera University iyo Nugaal University.

Professor Eid Cali Axmed, ayaa ugu horreyn munaasibadaasi hadal ka jeediyay, waaxanu si qoto dheer uga hadlay maraaxilkii uu barnaamijkani soo maray iyo qaabka ay ku soo xushaan ardayda ay siiyaan deeqaha waxbarasho. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “82 arday ayay marayaan dadka aanu waxbarashada lacag la’aanta ah siiney. Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo masaajid gelaya ayuu wiil i salaamay, waxaan ku idhi waar waa kuma, wuxu igu yidhi ardaydaydii Darlington-Gacma Dheere- Foundation ee aad waxbarteen ayaan ahay, waxaan ku idhi maxaad baratay, wuxuu igu yidhi waxaan bartay Engineering, waanan shaqeeyaa, wiilkaasi wuxuu ka yimid Badhan.

Ardayda aanu waxbarnay degaano kala duwan ayay ka yimaadeen, Badhan, Laascaanood, Saylac, Ceerigaabo, Saylac, Burco, Hargeysa, Berbera, dhammaan deegaanada Somaliland oo dhan bay ka yimaadaan. 7-da arday ee halkan fadhiya ee xagga waxbarashada ugu wanaagsan ma garaneyno cid ay yihiin, balse arday dadaashay inay yihiin ayaanu garaneynaa, cidda aanu waxbarashada ka bixinaa waa dadka ay hayntooda dhaqaale hooseyso, hawshan qabashadeedana 58 arday ayaa qalinjabiyay hadda, dhaw sagaal iyo labaatanna hadda ayay ku jiraan, ardayda qalinjabisay 13 waxa ay barteen dhakhtarnimada, 6 waa Civil Enginering, 5 waa ICT, waxa jooga Kalkaalisooyinkii, kuwii nafaqaynta iyo kuwii bartay Beeraha”

Guddoomiyaha ururka bangiyada madaxa bannaan ee Somaliland Mudane Khaliif Nuur, ayaa isaguna goobtaasi hadal ka jeediyay waxaanu sheegay in barnaamijkani uu yahay kii ugu quruxda badnaa ee uu abid arko. Waxaanu yidhi. “Barnaamijkani waa kii ugu quruxda badanaa ee aan ka soo qaybgalo, ardayda barnaamijkan Darlington kafaalo-qaatay waa ilaa 82 arday saddex iyo tobankii sanno ee u dambeeyay, barnaamijkani waxa uu barnaamijyada kale kaga duwan yahay maskaxdii iyo hibadii dhalinyarada dalkeena ayuu ku hanuuninaya hal abuurkii dalkeena ka jiray oo jaamacadihiiya”

Dr. Adna Aadan Ismaaciil ayaa boggaadisay waxqabadka la taaban karo ee hay’adda Darlington ama Gacma-dheere, waxaaney sheegtay in ardayda la siinayo Kaalmada waxbarasho laga qaado imtixaan ku dhisan sinaan iyo cadaalad. Waxaaney tidhi. “Professor Eid waxaan ku bogaadinayaa hawsha uu Darlington Foundation ku hoggaamiyo, aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqaya, ardayduna waxa ay ka soo gudbeen imtixaan u suura-galiyay inaad waxbarasho lacag la’aan ah aad ka heshaan Darlington -Gacma-dheere, ta aad halkan ku soo gaadheena waa mid aad qalinkiina iyo aqoontiina aad ku soo dhacsateen, ALLAHA inoo suurageliyay in waddankeena aqoontaasi ka suura-gasho ayaa mahada iska leh.

Waxaan dhalinyarada u soo jeedinayaa aynu ilaashana qarannimada Somaliland iyo nabad-gelyadaa inoo suuro-gelisay inaad wax barataan. Waxaan leeyahay Somaliland yaaney innaga dhiman, oo dadnimadu yaaney innaga dhiman, oo naxariistu yaaney innaga dhiman, oo xishoodku yaan innaga dhiman, oo rabitaanka Somaliland yaaney innaga dhiman”

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa ka sheekeeyay tacabkii iyo waxqabadkii uu Somaliland geliyay Macalinkoodii Darlington-Gacma Dheere ee barnaamijkan loogu magacdaray, waxaanu xusay in Darlington ama Gacma-dheere, ilaa hadda manaafacaadkii uu uga tagey ummada Somalialnd midhahoodii la guraneyo. Waxaanu yidhi. “Waxaan u mahadnaqaya Darlington Foundation, dhallinyaradan ku dayashada mudan ee marka la dhageysto qisooyinkooda la qiiroonayo.

Dhab ahaantii hay’addan Gacma-dheere Foundation, waxa bud dhig u ah Professor Eid Cali Salaan, oo tamartiisi ugu badneyd galiyay oo aan maalin kaliya ka nasan, Darlington ama Gacma-dheere anaga macalinkayagii ayuu ahaa, garoonka diyaaradaha iyo dugsigii Sheekhba isaga ayaa furay, macalin kaliya muu ahayn ee waxa uu ahaa Aabo wanaagsan, wuu dhintay balse ilaa hadda waataasi manaafacaadkiisi la dhuranayo.”

Farxaan Faarax Cali oo ka mid ah ardayda hay’adda Darlington ama Gacma-dheere, ay siisay deeqda waxbarasho ayaa is dul taagey guulaha uu ka gaadhay iyo qaabkii cadaalada iyo hufnaantu ay ku dheehneyd ee uu ku helay deeqda waxbarasho. waxaanu yidhi. “Waxaan is lahaa maalintaad dugsiga sare ka baxdo maxaad yeesha, ilayn intaasi oo dhan baa lagu soo kaabayee, waxaan is lahaa ama shaqayso ama deeq waxbarasho hel, marka dadaalku halkaasi ayuu ka yimid.

Waxa ila soo hadlay adeero Prof Eid, siddeedii habeenimo, waar Farxaan Faarax Cali ma tahay, haa, waxaanu nahay Darlington Foundation, waxaad tagtaa jaamacada Burco, fakalka aad rabtidna ka qaado, oo isa soo diwaan-geli, Xisaabaadka ayaan doortay sidaasi ayaan kaga mid noqday ardaydii ay Darlington Foundation ka bixineysay waxbarashada.

Markii aan dhammeeyay geedigii waxbarasho ee Jaamacada waxaan helay shaqo, waxaan madax ka noqday markii dambe shirkada SBI oo ahayd shirkadii shaqada i siisay, 8 bilood gudahoodna waxaan noqday madax iibka iyo adeega ee shirkada SBI”

Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay xubno ka mida dadka dadaalka naf hurnimada leh galiyay hay’adda Darlington ama Gacma-dheere.