Xeeladaha Xatooyada Casriga!

0
44

Gabadha Kate McClureย  waa 27 sano, u dhalatay dalka Maraykanka waxay goor danbe oo 11 habeenimo ah wadatay gaadhigeeda nooca southbound I-95 si ay booqasho ugu tagto saaxiibadeed. Gaadhiga ayaa dariiqa kala baxay isla markaana bakhtiyay ka dib markii uu shidaalka goostay.ย  Waxay ahayd goor habeen badh ah.

Waxaana ay tidhi “Wadnaha ayaa I garaacayay soo xoog leh, mana aanan garanayn waxan aan sameeyoโ€, waxay la xidhiidhay ninkeeda oo 38 sano jir ah, kaasi oo u sheegay inuu u iman doono. McClure ayaa tidhi โ€œLaakiin waxa markiiba soo kacay oo ii yimi Johnny oo ah nin derbi jiif ah, oo aan hoy lahayn oo Istaanada tareenka ku hoos nool oo buugaagta ku akhrista. Waxaana uu codsaday inay daaqadda ka furto, markii ay u sheegtay inuu shidaal laโ€™aan ku dhacaday ayuu siiyay $20 oo ahayd lacagtii ugu danbaysay ee jeebadiisa ku jirtay, si ay ugu iibsato shidaalka gaadhiga.

Kate McClureย ย  iyo ninkeeda ayaa qisada ku soo bandhigay Internetka oo codsaday in la caawiyo ninkaasi waxaan loo ururiyay lacag dhan 400 kun doller. Mar danbe aya la ogaaday in qisada gebi ahaanteed ay tahay mid la sameeyay si lacag loogu urursado. Waxaana lagu eedayay sadexda qof inay sameeyeen nidaam xatooyo oo xeeladaysan. (philly.com)