45 Qof oo ku Dhintay laba Doonyood oo ku Degay Xeebaha Djibouti

0
55

Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa la la’yahay kadib markii laba doonyood oo tahriibayaal ah ay ku dageen xeebaha dalka Jabuuti, sida ay saraakiishu sheegeen.

Doonyaha ayaa ka baxay dalka Yemen iyaga oo sida 310 qof ka balse Salaasadii ayey ku dagtay badda cas ee ku taal bariga Afrika, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

“Illaa hadda, 61 qof ayaa weli la la’yahay, howlgallada baadhitaankuna waa ay socdaan si aan kala joogsi lahayn,” ayay yidhaahdeen ilaalada xeebaha Jabuuti.

Waa masiibadii ugu dambeysay ee ka dhacda wadadaas, iyada oo lagu tilmaamay inay tahay mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan uguna khatarta badan caalamka oo ay adeegsadaan qaxootiga iyo muhaajiriinta ka imanaya Afrika.

“Baadi goob ballaadhan” ayaa socda tan iyo subaxnimadii isniinta oo ay taageerayso IOM, iyada oo 115 nool la badbaadiyay, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Jabuuti.

“Waxaa naga go’an inaan helno dadka maqan iyo inaan hubinno badbaadada kuwa badbaaday,” ayay hay’addu ku tidhi hadal ay soo saartay.

Doonyaha ayaa ku dagtay meel 150 mitir (492 ft) u jirta xeeb u dhow gobolka Khor Angar ee waqooyi-galbeed Jabuuti, sida sheegeen ilaalada xeebaha.

Kumanaan muhaajiriin Afrikaan ah ayaa sanad walba u shiraacday badda cas iyaga oo u socda dhanka wadamada gacanka, iyaga oo doonaya inay ka baxsadaan colaadaha, masiibooyinka dabiiciga ah iyo rajo xumo dhaqaale.

Bishii June, ugu yaraan 56 Tahriibayaal Soomaali iyo Ethiopian ah ayaa ku dhintay, 140 kalena waa la la’yahay, kadib markii dooni ka timid Somalia ay ku degtay Gacanka Cadmeed, ee Koonfurta Xeebaha Yemen. Dadka dhintay waxaa ka mid ah 31 haween ah iyo lix carruur ah.

Tirada muhaajiriinta gaadhay Yemen ee ka imanayay Geeska Afrika ayaa kor u kacday ilaa 73,000 sannadkii 2022, waxaanay gaadhay in ka badan 97,200 sannadkii hore, sida ay sheegtay IOM.

Intooda badan tahriibiyeyaashu waxay ku khasban yihiin in ay isticmaala doonyo halis ah oo cidhiidhi ah si ay uga gudbaan.