Agaasimaha Cisbitaalka Hargaysa oo Kulamo Dalka Taiwan Kula Yeeshay Masuuliyiinta Jaamacadda Taipei

0
38

Taipei (Dawan):- Agaasimaha Cisbitaalka Hargaysa Dr. Cabdiraxmaan Muxumed Cisimaan iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u danbeeyay Safar shaqo ku joogay Dalka Taiwan ayaa kulamo kala duwan la qaatay xubno ka mid ah Hay’adaha Dalka Taiwan.

Weftiga oo casuumad rasmi ah ka helay Cisbitaalka Wanfang Hospital Taiwan ayaa shalay la kulmay Hay’adda Taiwan Medical Mission Madaxdooda iyo Jaamacada Taipei Medical University.

Safarka weftiga Agaasimaha Cisbitaalka Hargaysa ayaa la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya qaar ka mid ah Cisbitaalada Taiwan iyo Cisbitaalka Hargaysa.

 

Sidoo kale kulanka ay masuuliyiinta Cisbitaalka Hargaysa la qaadanayeen madaxda Taiwan ayaa waxa qayb ka ahaa madaxda jaamacadda Taipei Medical University, kuwaasi oo ay madaxda Cisbitaalka Hargaysa ka wada hadleen sidii loo tayayn lahaa waxbarashada hawl wadeenada Cisbitaalka Hargaysa, loona xoojin lahaa xidhiidhka waxbarasho ee u dhexeeya jaamacadda iyo Cisbitaalka Hargaysa.

 

Dhinaca kale kulamada ay masuuliyiinta Cisbitaalka Hargaysa la qaadanayeen dhigood dalka Taiwan ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca dawada iyo tayaynteen, halkaasi oo ay goob joog ahaayeen Hay’adda Taiwan Medical Mission oo wax badan kala qaban doonta Cisbitaalka Hargaysa dhinaca kor u qaadista daawada iyo tayaynteeda.

 

Gobo’gabadii kulamada ayaa ku soo dhamaaday is afgarad iyo in la xoojiyo xidhiidhka u dhexeeya Cisbitaalka Hargaysa iyo jaamacadda Taipie, la iskana kaashado xoojinta dhinaca waxbarashada iyo daawada.