Booliska Denmark oo Baadhaya 2 Qarax oo ka Dhacay Meel u Dhow Safaaradda Israel ee Copenhagen

0
45

 

Booliiska Denmark ayaa Arbacadii sheegay inay baadhayaan laba qarax oo ka dhacay agagaarka safaaradda Israel ee duleedka waqooyi ee Copenhagen. “Ma jirto cid ku dhaawacantay, waxaana goobta ka wadnaa baadhitaanno bilow ah,” bilayska Kobanheegan ayaa sidaa u sheegay baraha bulshada ee X.

“Xidhiidhka suurtagalka ah oo ka dhexeeya safaaradda Israel, ee ku taal aagga iyo qarax ayaaa la baadhayaa,” ayay yidhaahdeen.

Goob weyn oo ku dhow goobta qaraxa ayaa la go’doomiyay iyada oo ay ku sugan yihiin ciidamo aad u badan, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Baadhayaasha oo xidhan dharka ciidanka ayaa lagu arkayey goobta iyaga oo ka hawl geleya.

Safaarada Israa’iil ayaan bixin wax faallo ah markii ay la xidhiidhay wakaaladda wararka ee Reuters.

Booliiska ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay ka warbixin doonaan baadhitaanka.