Burco: Xukuumadda oo Daahfurtay Shirka Maamul Daadejinta Mashaariicda

0
72

Qore: Cabdiwahab Dahir Xasan

Burco (Dawan) Shir lagaga hadlayey ahmiyada  maamul daadajinta iyo horumarinta  mashaariicda Jamhuuriyadda Somaliladn ayaa ka qabsoomay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer,   waxaana soo qaban qaabisay wasaarada Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, waxaana ka soo qaybgalay maamulka heer gobol iyo heer degmo, qaar ka mid ah isu duwayaasha laamaha dowladda mudan iyo marti sharaf kale.

Xoghayaha gobolka Togdheer iyo isu-duwaha wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, ayaa sheegay in shirkani ahmiyad weyn u leeyahay gobolka, waxaaney soo jeediyeen in ay mihiim tahay hawshan ay xukuumaddu waddo ee qorshaha maamul daadejinta mashaariicaha horumarineed dalka.

Agaasimaha waaxda xidhiidh iyo horumarinta gobolada wasaarada Qorshaynta iyo horumarinta qaranka  Cabdillaahi, ayaa ka hadlay ahmiyada  kulankan maamul daadajintu u leeyahay gobolka Togdheer.

Waxaanu yidhi. “Hayadaha inala shaqeeya oo dhami waxay diyaar u yihiin, in maamulka gobolada degmooyinka loo daadajiyo lana gaadhsiiyo meelaha baahidu ka jirto, caqabado way jiraan balse intii aynu xalin karno ee aan dadkeena u qaban karno inaan qabano ayaan ku dadaalaynaa”.