Dr. Xasan: Haldoorkii ka Midho-Dhaliyay Geediga Waxbarasho oo u Mahad-naqay Darlington Foundation

0
54

Hargeysa (Dawan) Dr. Xasan Axmed Xasan oo ah dhakhtar ku takhasuusay daaweynta cudurada iyo qaliinada, isla markaana kaalmaha ugu horreeya ka galay kulliyadii caafimaadka ee uu wax ka baranayay, waxa uu ka mid ahaa ardaydii  nasiibka u heshay deeqaha waxbarsho ee Darlington Foundation.

Dr. Xasan Axmed Xasan waxa uu ka mid ahaa ardaydii sannad dugsiyeedkii  2017-ka ee dugsiga Al Nuur Boorame, waxaanu kaalmaha hore ka galay  imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ee gobolka Awdal, sidoo kale waxa uu kaalmaha ugu horreeya ka galay imtixaankii guud ee dugsiyada sare Jamhuuriyadda Somaliland.

Dr. Xasan Axmed Xasan waxa uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay geedigiisi waxbarasho iyo hannaankii cadaaladda ku salaysnaa ee ku helay deeqda waxbarashada ee Darlington Foundation, mar uu ka hadlayay munaasibad loo qabtay guulihii iyo 13 guuradii ka soo wareegtay asaaskii Hay’adda Darlington Foundation.

Dr-ka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dugsiga sarre Al Nuur ayaan ka baxay, waxa aan ka mid ahaa ardayda ugu sarreysay, waxa la igu yidhi waxa lagu dirayaa Itoobiya, hawshii ayaan gudagalay oo baasaaboor ayaan sameystay, imtixaankii GC-gana kaalinta 4-aad ayaa galay, gobolka Awdalna anaa u sareeyay markaasi, Jaamacada Jima ee dalka Itoobiya ayaa la igu qoray, markaasi dagaalo ayaa ka socday, markaasi aniga oo laba labaynaya in aan tago iyo in kale oo gaadhi saaran, ayay Darlington Foundation ay ila soo hadleen waxaaney igu yidhaahdeen ‘ardayda kaalmaha sare galay ayaanu siinaa deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah oo aanu gacan qabaanaa, waxbarasho lacag la’aana oo dhammeystiran ayaanu siinaa ardayda, arrintaasi diyaar ma u tahay? Isla markiiba jaamacada Camuud ayaan tagey, waan isa soo diwaangeliyay dib ayaan ula soo hadlay, waxaanan u sheegay in aan diyaar u ahay, caafimaadka ayaan bartay waxaanan ahay ardaygii ugu sarreeyay jaamacada Camuud Fakalka Caafimaadka 3.9 ayaanan ku baxay.

Dr. Xasan Axmed Xasan xasan oo kaalmaha hore ka galay waxbarashadiisi caafimaad, kuna baasay 3.9, ayaa bogaadiyay hay’adda Darlington Foundation, sida qiimaha leh ee ay mar kasta ula garabtaagnaayeen kharashaadka Jaamacadda iyo dhaqaalaha buugaagta iyo adeegyada waxbarasho ee kale, waxaanu yidhi “Adiga oo aan ka warwareyn fasalkii maalaga soo saari? Imtixaankii maalagu diidi?  Lacagtii bisha  miya lagu weydiin? Waraaqihii aad soo dabacaneysay kharashkii kaga baxayay miyaad waayi, ayuu Simisterkasta dhammaanayay, inta aan Jaamacada ku jiray maalin kaliya la ima odhan lacagtaadii bisha lama soo dirin, marka aan dhiirigelinta intaas le’eg helay kaliya waxaan go’aansaday in aan xooga saaro wixii aan baran lahaa, marka aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqaya Pro: Iid iyo  Darlington Foundation iyo cidkasta.”