Guddoomiyaha Tacliinta Sare oo Bogaadiyay Darlington Foundation

0
49

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Saleebaan Dirir Cabdi ayaa si weyn u bogaadiyay hay’ada Darlington-Gacma-dheere Foundation oo 13-kii sanno ee ugu dambeeyay doorweyn ka qaadatay in ay ardayda danyarta ah ee dugsiyada sare ee dalka ka baxa siiso deeq-waxbarasho isla markaan ay kafaalo-qaado dhammaan kharashaadka ku baxaya.

Guddoomiyaha Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Dirir Cabdi waxa uu Hay’adda Darlington-Gacma-dheere Foundation  ku tilmaamay iftiin iyo shamac u soo baxay ummadda Somaliland, waxaanu ballan qaaday isaga oo ku hadlayay afka guddida sare ee tacliinta Somaliland in ay is garabtaagayaan Hay’addan

Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Bahdayadii ardayda u ahaan jirtay Darlington (Gacma-dheere) waxaad na hor keenteen sawir dhan, anagu qishka waanu ka xanaaqi jirnay barigaas, waxaan filaya in wax qish la yidhaahdo aydaan soo marin hadaad tihiin ardayda ay kafaalo qaadatahay Hay’adda Darlington.

Haddii aanu nahaya guddida tacliinta sare waanu is garab-taagaynaa hay’adda Darlington. Ardaydana wax ku baratay deeqda hay’addanna waxaa rajaynaynaa in aydaan halkan ku hadhine ee aad ka qayb qaadataan deeqaha waxbarasho ee soo socda, dhinaca waxbarashada Somaliland waxaa aad ugu heelan dalalka Taywan iyo Itoobiya, markaa waxaan idinku dhiiri-gelineyna in Digreega labaad iyo saddexaadba aad ka qayb gashaan, hawluhuna halkaasi ayay ka sii soconayaan.”

Guddoomiyaha Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Dirir Cabdi waxa kale oo uu ka waramay taariikhda iyo sooyaalka macalinkoodii Darlington (Gacma-dheere) oo ah shakhsiga loogu magacdaray barnaamijkan, waxaanu yidhi “Taariikhaha sii nool waxa ka mid ah tan aynu maanta u fadhino, Darlington (Gacma-dheere), dagaalkii uu galay waxa uu ahaa Barma meesha la yidhaahdo, waxaanu ka mid ahaa colkii Jabaanku hoggaaminayey, kana horjeeday Maxmiyadii Ingiriiska, dabadeedna markii uu dhaawacmay, sidii loo sheegay, ayaa waxa isku hareereeyay Muwaadiniintii reer Somaliland ee dagaalkaasi ku jiray, intaasi kadib ayuu yidhi waa rbal Maabka itusa si aan u ogaado meesha dadkani ka yimaadeen waana halka uu Somaliland ka soo raacay, marka waxa uu noqday qoladii saddexaad ee adeeg bixin waxbarasho inoogu timaada.

Dusgiga Sheekh Bashiir oo la furey 1953-kii boodhkiisa waxa ku qoray wax la yidhaahdo Jeem Beel, waana gabadhii uu qabay Darlington (Gacma-dheere), iyada ayaana u furtay iskuulkaasi haweenka, taasi waxa ay ina xasuusineysa taariikhada ma guuraanka ah ee qoyskaasi Somaliland ku leeyihiin iyo abaalka ay gashadeen”