Somaliland oo doorashooyinka u adeegsanaysa Agab Naadir ku ah Dunida saddexaad

0
163

Hargeysa(Dawan):-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa doorashada isku sidkan ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka November 2024, adeegsanaysa sawirka aqoonsanaya bu’da indhaha ee casriga ah, kaasi oo xaqiijinaya hufnanta doorashooyinka JSL.

 

Warbixin lagu faafiyay warbaahinta Taiwan oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in qalabka xaqiijinta codbixiyeyaasha (Iris biometric voter verification) oo tiradoodu dhan tahay 2,500  oo mishiin Taiwan  ugu deeqday Jamhuuriyadda Somaliland 2021kii, mar kale lagu geli doono doorashada fooda innagu soo haysa, iyadoo laga isticmaali doono lixda magaalo ee ugu weyn  dalka.

 

Waxa qalabkaasi lagu galay doorashadii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee sida xorta ah uga qabsoontay Jamhuuriyadda Somaliland 31 May 2021, kaasi oo ah nidaam naadir ku ah afrika iyo dunida saddexaad.

 

Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland  Allen Lou ayaa ku ammaanay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sida ay uga go’an tahay in doorashada madaxtooyada iyo ta ururrada siyaasaddu ay dalka uga qabsoonto hannaan daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

 

Taiwan ayaa dhawaan Guddida doorashooyinka ugu deeqday 2 Milyan oo doolar oo qayb ka ah dhaqaalaha lagu qabanayo doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.