Baanka Dhexe ee Somaliland Wuxu Furay Laantii Afar iyo Tobnaad ee Gobolka Howd

0
28

Qore Mowliid Aadan Cumar 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu bishii hore ee sannadkan xadhgiga ka jarey Laantii Afar iyo Tobnaad ee Baanka Somaliland.

Taasi waxay muujinaysaa in Baanka Dhexe u adeego dhammaan Shacabka ku dhaqan Gobolada Somaliland, Hadaba ujeedada Qormadan oo isugu jirta Talo gudbin iyo Dhiirigalin waxaan leeyahay Madaxwaynaha Qaranka iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland adeeggii Baanka Somaliland wakhtigan wuu ka shaqaynaa Dhamaan Gobolada Dalkeena waana horumar in Dhamaan Gobol kasta Shacabka iyo Shaqaalaha Dowladdu ay helaan adeegyada Mushaharooyinka iyo Xawaaladaha.

Sidaasi awgeed waxaan leeyahay Madaxwaynaha iyo Hoggaanka Baanka Dhexe ee Somaliland waxaad ogtihiin in wakhtigan dhaqdhaqaaqa lacagta shilinka Somaliland aad iyo aad u kooban yahay marka lagu qiyaaso 14 sanno ka hor saamayntii ay ku lahayd Suuqyada Ganacsiga Dalkeena, Taasna waxa sabab u ah Barnaamijka Zaad iyo Edahab ama Electronic money.

Hadaba Mudane Madaxwayne waxaan ka digayaa in shilinka Somaliland uu noqdo siday noqotay Lacagtii dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo ah in lawaayo lacag Kaash ah Balse magac u yaal laysugu Bedelo Lacagaha Qalaad sidaasi darteed waa in Degdeg wax looga qabtaa .

Talaabada kowaadna waa in Xisaabiyaha Guud ee Dowladu ku bixiyaa Mushaharooyinka Shaqaalaha lacagta Kaashka ah.

Qore Mowliid Aadan Cumar