Golaha Wasiirrada Somaliland oo ka Hadlay Doorashooyinka iyo Amniga

0
30

Hargeysa (Dawan)- Fadhigii 133aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo qasriga madaxtooyada ka qabsoomay galinkii dambe ee Khamiistii oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu lafo-guray arrimo ay ugu horeeyeen Amniga iyo doorashooyinka, sidoo kalena baaq u diray Shacbiga Somaliland.

Ugu horrayn, Golaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeystay wasiirka arrimaha Gudaha, ahna gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo ka mandaqada geeska Afrika.

Waxaanu goluhu si qoto dheer uga dooday u diyaar-garowga doorashooyinka qorshaysan 13-ka Bisha November, sannadkan 2024-ka iyo sidii xisbi Xaakimka kulmiye uu mar saddexaad u hannan lahaa hoggaaminta dalka, iyadoo goluhu ugu baaqay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland inay u diyaargaroobaan doorashooyinka ololahana ay ku galaan turxaan la’aan iyo walaalnimo.

Ugu dambayntii, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu shacbiga ugu baaqay inay indho dheeraad ah u yeeshaan cadawga Jamhuuriyadda Somaliland ee doonaya inay wiiqaan Jiritaanka Qarannimada kana xun in Qarankani gaadho himiladiisa ah inay ka mid noqdaan beesha Caalamka ee la aqoonsan yahay, laamaha amnigana ku wargeliyaan cidii ay uga shakiyaan inay lidi ku yihiin amniga dalka iyo doorashooyinkaba si ay tallaabo uga qaadaan, sidoo kale waxa la farayaa ciidamada kala duwan ee dalku inay xoojiyaan amniga dalka mudada lagu jiro u diyaar-garowga doorashooyinka.