Maamulka Gobolka Saaxil oo Ceel Biyood Xadhiga ka Jaray

0
27

Qore Cabdiwahab Daahir Xasan

Berbera (Dawan)- Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil, Maayarka degmada Barbera iyo maareeyaha wakaalada biyaha gobolka Saaxil ayaa si wada jira xadhiga uga jaray ceel biyo Macaan ah oo laga hirgaliyey deegaanka Abdaal ee gobolka Saaxil. Ceel-biyoodkan ayaa bulshada ku nool Abdaal iyo nawaaxigeedu ay u qabeen baahi xoog leh isla markaana hadda wixii ka dambeeya waxay kaga raysan doonaan baahida dhinaca biyaha.

Geesta kale odayaal iyo haween ka hadlay goobta ceelka laga qoday ayaa sheegay in ay reer Abdaal baahi wayn u qabeen dhinaca biyaha macaan, waxay sidoo kale bogaadiyeen maamulka gobolka Saaxil iyo ka dagmada Barbara sida ay xilka iskaga saareen in ay ceel biyood biyo macaan leh ugu hirgaliyeeen, biyaha oo Abdaal qaali ku ahaana ceelkani uu waxbadan ka taridoono.

Waxa isna hadal kooban ka jeediyey mareeyaha waalada biyaha gobolka Saaxil Khadar Siciid waxanu yidhi “Biyo ballaadhintu maanta uun bay bilaw tahay, guri ka gurina waa la gaadhsiin doonaa”.

Maayarka Magaalada Bebera Cabdishakuur Cidin ayaa isna goobta ka hadlay, waxa hadaldiisa ka mid ahaa.” Markaynu caafimaadka wareejinaynay ayeynu reer Abdaalow hore u wada hadalnay, waxan idin idhi maalinta iyo habeenku haydiin ay kala cadaadaan, waxa cadayseen in maalinta iyo habeenku idiin kala cadyahay, ninka gaadhiga kugu dhaafaya ee waxaas oo wax qabada ma jiraan lihi waxa uu caayayaa caqligaaga.”

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay Maayer ku xigeenka gobolka Saaxil Maxamuud Hindi Aadan waxaana uu sheegay in biyuhu yihiin qaar aan marnaba laga maarmi Karin. waxa uu sidoo kale dadka reer Abdaal kula dardaarmay in ay ilaashadaan ceel-biyoodka loo hirgaliyey isagoo arimahaa ka hadlayana waxa hadalkiisu u dhignaa sida tan.” Nolosha bani aadamkuba waxay ku jirtaa biyaha. biyahaagi xildhibaanka maanta halaasi soo gaadhsiiyey iyo cid kasta oo gacan ka gaysatayba waxan leeyahay waad mahadsantihiun.”