Madaxwaynaha Waxaanu Ku Dooranay Ninka Adag Ayaa Maalinta Adagna Kaa Saari Kara” Xildhibaan Qodax

0
29

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax iyo taageerayaasha deegaanadiisa ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbiga Kulmiye, waxaana loo sameeyay munaasibad lagu soo dhawaynayo oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta ugu sareeya xisbiga.

Xildhibaan Cabdinaasir Qodax ayaa sheegay inuu dhisayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbiga Kulmiye si ay mar labaad u guulaystaan waxaanu yidhi

“Waxaan halka ka cadaynayaan in aan dhisayo oo aan hiil iyo hooba la garab taagan nahay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somlailand Muuse Biixi Cabdi sidii uu mar labaad talada dalka ugu guulaysan lahaa.

Sidoo kale Xildhibaan Qodax ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu abaal badan ku leeyay isaga, isala markaasina uu manta garab is taagayo waxaanu yidhi

“Sadex dhinacba waan ka eegay, maalintii anigu Shir-gudoonka aan u halgamayay madaxwaynuhu waxba igalama hadhin, hiil iyo hooba iyo garab istaagba wuu ii muujiyay, ragii Kulmiye ku jiray ee Xildhibaanada ahaa ee aad ii garab joogsadayn aad baan ugu mahad naqayaa, se calafkaan qorin oo xaga Samada ayaa kursiga laga qoraa.

Aniga manta waxa ii muuqan wayday, maadaama Madaxwaynuhu halgankaa ila galay in aan aniguna maanta garabkiisa aanan ku banaynin laakiin aan garab istaag u muujiyo, marka labaad madaxwaynaha abti baan u ahay haddii aan maanta u hiilin waayo yaa kale ee u hiilin,

Dhinaca kale magaalo Ayaan wadaagnaa oo codka ugu badan ee gobolka Maroodi Jeex waa boqolkiiba shan iyo afartan dalka codka guud ee dalka, waa gobolka laga jaan goynayo mustaqbalka ama guusha cidda guulaysan doonta, boqolkiiba todobaatan taageeradii hore xisbiga Kulmiye gobolka Maroodi Jeed wuu helay, in aanu inta ka hadhay aanu ku badhi taarno ayaanu doonaynaa, Waxa aanu sidoo kale isla eegnay waxaanu doonaynaa in aanu Hargaysa midayno sidii ay Maayir Mooge u doorteen iyaga oo midaysan inay maantana doortaan Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi”.

Gebo’gabadii Xildhibaan Cabdinaasi Qodax ayaa cadeeyay inuu Geed gaaban iyo Geed dheerba u fuuli doono sidii uu madaxwaynaha Somaliland mar labaad talada dalka ugu guulaysan lahaa waxaa yidhi

“Waxaan halkan idiinku bushaaraynayaa in aan Geed gaaban iyo Geed dheerba u fuuli doona, hadh iyo Habeenba u ordi doono Subax iyo galaba u galab caraabi doono sidii uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu mar labaad talada dalka ugu guulaysan lahaa.

Xaaladda aynu ku jirnaa manta waa xaalada Geeska oo dhan ka jirta oo xaalad adag ah, markaa madaxwaynaha waxaanu u dooranay, wax kale maaha ninka adaga ayaa maalinta adag kaa saari kara, xogogaalnimo, adkaysi, dhabar adayga itaa baan ku ogahay oo waa waxaan ku dooranay, go,aan adaga oo maanta ka muuqda”.