Tababar ku Saabsan Barnaamijka Marwo Caafimaad oo Socday 20 Maalmood

0
22

Xubinteena koowaad ee barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa tababar socday muddo labaatan maalmood ah oo loo soo gebo’gabeeyay hooyooyin ka socday gobolladda Saaxil, Awdal iyo Maroodi Jeex, kuwaasi oo qayb ka ah maamul daadejinta adeegyadda caafimaadka ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.

Haddaba Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.maxamed Cabdi xergeeye ayaa maanta soo gabogabeeyey tababarka marwo caafimaad oo socday mudo 20 maalmood ah kaasi oo ah ka faa’idaysteen, hooyooyin ka kala socday Gobolada Saaxil Maroodijeex Iyo Awdal.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen hirgalintiisa Wasaardda Horumarinta Caafimaadka Iyo hay,adda UNICEF, ayaa ujeedadiisu tahay in la daadajiyo adeega caafimaadka oo la gaadhsiiyo in hooyooyinka Ku nool deegaanada fog fog kusoo xidhaan xarumaha caafimaadka bulshada inteeda kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah usoo gabogabeeyey tababarka ayaa xusay in uu aad ugu faraxsanyahay in la helo hooyooyin Ku tababaran oo fahansan caafimaadka, kuwaaa oo wacyigalin doona sidoo kalana kusoo xidhi doona xarumaha caafimaadka bulshada deegaanada ay ka kala imaaden, agaasimaha guud ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku marwalba diyaar u tahay in adeega caafimaadka la gaadhsiiyo heer Qaran, heer hebol, heer deegaan Iyo heer Bulshaba.