”Caddaalad iyo Sinnaan Baynu Bulshada ugu Adeegaynaa” Taliyaha Booliska JSL

0
21

Qore:Khaalid idiris muxumed                                                                                                                                                                                                   Hargaysa (Dawan):-Taliyaha Ciidanka  Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa,sheegay in ciidanka booliska Somaliland u taagan yahay caddaalad iyo sinnaan in uu bulshada ugu adeego.

Waxaanu sidaa ka sheegay mar uu shalay  tababar u soo xidhayay xubno kamida laanta  Nabadgelyada Waddooyinka ee ciidanka booliska.

Tababarkaas ayaa noociisu ahaa Cilmiga Tignoolajiyada, waxaana sidoo kale tababar uu  u furay xubno cusub oo la bari doono shuruucda nabadgelyada waddooyinka.

                                                                                                                              Taliye Dabagale  oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “waxaan hanbalyaynayaa ciidanka ka qalin jabiyay tababarkan , iyo kuwa loo furayaba. kuwa wax bartay iyo kuwa aan wax baramin-na ma sinna,hoolkan markaynu dhisanay 2021 waxaynu u fikirnay inay taraafikadu aqoon u baahantahay  , waakaa hoggaanka taraafikadu idiin sheegay in shan dufcadood ka qalin jabisay, waa in aynu tababarka joogto ka dhigna, imika shilalku way innagu badan yihiin, waxyaabaha keenaya waxaa ka mid ah aqoon darrada taraafikada,waddo xumida, iyo darawal xumida, Sababtoo ah haddii aqoon saxa oo ynu isku filanahay waxaynu qiimayn kusamayn lahayn  waxyaabaha shilalka keenaya, Sidaa darteed waa inaynu wax baranno oo aqoonta aynu kordhino oo aynu aqoon buuxda  u yeelanno shaqadeena , intaa marka laynaga helo baynu qaadi karnaa tallaabooyin sharciya, ka xun ee bilaa liisanka ah tallaabo ku habboon baynu ka qaadi, ka gaadiidka xunna tallaabo ayaynu ka qaadi doonna.                                                                                                                                                                                    

 

 haddaynu shaqada taraafikadeenna ka adkaanno,waxaan aaminsanahay in boqolkiiba boqol shilalkuna yaraanyaan, xilkasnimo iyo dedaal iyo shaqo badan baad qabataan, waan ogahay inaad hawl badan haysaan, Taarifikadu waa meelaha aanu bulshada iska gaadhno,iyaga iyo saldhigayadu.

Meelaha  aynu bulshada iska gaadhnana aad baan isha ugu hayaa. hawshaa wayn ee maanta inoo taallaa  seddex qodob kow inaynu aqoonteenna boqolkiiba boqol kordhinno. Laba inaynu xilkasnimo ,daacadnimo iyo dedaal la nimaadno oo aynu dadkeena si hufan ugu shaqayno,oo shaqadeena ka soo baxno si ay shilalku inooga yaraada.seddex waa inanynu qiimayn karnaa maxaa shilalka keenaya ee sababay .        ugu danbayn waa inaydun fahantaan  oo garataan in ay masuuliyad wayni ku saaran tahay oo dadkaagii ku aaminay sidoo kale waa inaad garataa inaad sharcigii socodsiisaan oo aynu caddalaad iyo sinnaan umadda ugu shaqayno”