“Cisbitaalku Maaha Meel Dadka lagu Laayo ee waa lagu Badbaadiyaa” Maamulka Cisbitaalka Burco

0
19

Burco (Dawan) Masuuliyiinta cisbitaalka guud ee magaalada Burco, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada, waxaaney sheegeen in cid kasta oo ku lug hayd ay ka rabaan caddeynteedii.

Sidoo kale masuuliyiinta cisbitaalka guud waxa ay xuseen in ay laamaha cadaaladda hor geyn doonaan dadka wararka been abuurka iyo war xumo tashiilka ka faafiyay cisbitaalkaasi.

Geesta kale masuuliyiinta ayaa sheegay in cisbitaalka Burco adeegiisu uu aad u fiican yahay sidoo kalena dad xirfad sare u leh adeega caafimaadka iyo dhakhaatiir aqoon sare leh ay ka hawl galaan  kuwas oo dabooli kara baahiyaha adeega caafimaadka ee cisbitaalka wayn ee Burco

Waxaanu yidhi. “CIsbitaalka waxa jooga shaqaale tababaran oo ka adag shaqadooda, bukaanada illaaliya, iskaankii wuu yar ciladeysna oo gacanta ayaa lagu haya, labada cisho ee soo socdana waa uu shaqayn doona.

Cisbitaalku hadda meel fiican ayuu maraya, sifiican ayuu u koraya, majirto eedda cisbitaalka loo jeediyay ee ah in daawooyin dhacay la siiyo, taas oo aan marnaba dhicin, cisbitaalku maaha meel dadka lagu  laayo ee dad buka  ayaa yimaada oo lagu badbaadiya, bulshada iyo Qaranka ayuu adeegbixin siiya, gobollo kala duwan ayaa adeeg caafimaad u soo doontay, mana dhici karto eeddaasi loo soo jeediyay inay tahay wax dhici kara”