Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlay, Doorashooyinka, Nabadgelyada iyo Fasaxa Guurtida

0
24

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa  ka hadlay adkaynta nabadgelyadda iyo amniga dalka iyo fasax dhan laba bilood oo goluhu galay.

Fadhigi shalay ee golaha guurtida JSL, oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan,  ayaa  sheegay in dalku gudo-gelayo hawlihii doorashadda, waxaanu  Mudaneyaashana  kula dardaarmay illaalinta amniga guud ee dalka iyo  adkaynta nabadgelyada waddanka, maadaama oo ay dalka ku soo wajahan yihiin  doorashooyinkii isku sidkana.

Dhinaca kalena, guddoomiye Saleebaan ayaa Guddoomiyeyaasha Guddi hoosaadyada Golahaasi ka codsadey in guddi kasta warbixintii ay gacanta ku haysay soo gudbiso, isla markaana ay ku wareejiyaan xoghayaha guud ee golahaasi Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi.

Gaba-gabadii, guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane- Saleebaan Maxamuud Aadan uu Mudaneyaasha Golahaas uu ku wargaliyey in Mudanayaashu gudo-geli doonaan fasaxoodii dastuuriga ahaa oo dhan muddo laba bilood ah, kaas oo ka bilaabmaya 17-ka bishan, kuna eg 21 December