Maayerada Dalka oo Shir ka Yeeshay Aafada Masiibooyinka Dabiiciga ah

0
24

 

Boorama(Dawan)  Maayeradda Magaalooyinka Boorama, Hargeysa,Berbera, Gabilay, Saylac, Salaxlay,Balligubadle, Baki iyo Lug-haya ayaa shir  lagaga arrinsanaayey masiibooyinka dabiiciga uga furmay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal;

 

Shirkaas ayaa ah mid sannad leh oo ay soo qabanqaabiyaan ururka dawladdaha hoose ee Hal-kasal oo kashanaaya ha’yadda caalamiga ah ee VNG kaasi oo loogu magacdaray dan-wadaag waxana lagaga hadlaa arrimaha horumarinta dawladdaha hoose dalka. .

 

Maayarka Magaalada Boorama iyo Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa ugu horayn munaasibadda ka hadlay waxaanay sheegeen in shirkan uu yahay mid muhiima, waxaanay madasha kusoo dhaweeyeen maayaradda kale ee magaalada martida ku ah

 

 

“Farxad wayn bay noo tahay ka gobol ahaan in maanta shirkii maaraynta masiibooyinka lagu qabto caasimada gobolka Awdal waxaan aad iyo aad u Soo dhawaynayaa in layska kaa shado arrimaha ku saabsan masiibooyinka dabiiciga ah.”

Agaasimaha Ururka Hal-kasal khaalid Cabdiraxmaan ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeda shirka waxana uu yidhi ” Waxaynu qabanay shirka maaraynta masiibooyinka ee mashruuca aynu gacanta ku hayno ee Dan-wadaag kaasi oo ka shaqeeya shan  degmo , waxana naga taageerta Ha’yadda VNG iyo ururka dawladdaha hoose ee Holand oo uu inala joogo wakiilkoodu , waxaanu shirkan inoo socon doona laba cisho”.

 

Wakiilka ha’yadda VNG oo ugu dambayn madasha ka hadal ayaa waxa uu yidhi  “masiibooyinku waa wax marwalba taagan una baahan maarayn iyo in wacyi galin balaadhan laga sameeyo bulashadana loo sheego degmooyinkaa inta badan aanu kasoo shaqaynay waxaan rajaynaya inay wax badani iska badaleen,ka VNG ahaan iyo Dan-wadaag ahaanba  Waxaanu marwalba diyaar ula nahay inaan wada shaqayn dhow la yeelanno degmooyinka dalka.taas oon rajaynayno wicyiga bulshadu inay isbadali doonto “