Madax Dhaqameedkow waxaadtihiin Cidda Koobaad ee loo Daba Fadhisanayo nabad-galyada”Gudoomiyaha Saaxil

0
24

Qore: Cabdiwahab Daahir Xasan

Berbera  (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Saaxil  Cali cabdi Cabdilahi (Cali Case) ayaa kulan la qaatay Cuqaasha kala duwan ee gobolka Saaxil, kulankaas ayaa ka dhacay xafiiska maamulka gobolka Saaxil waxa kulan kan ka soo qaybgalay badiba cuqaasha kala duwan ee gobolka saaxil, kulankan ayaa lagaga hadlayey arimaha nabadgalyada gobolka iyo weliba xaalada wadanku galay ee dhinaca doorashooyinka.

Waxa halkaasi ugu horayn ka hadlay isla markaana hadalo ka  jeediyey qaaar ka mid ah cuqaasha shirka ka soo qayb galay, waxanay sheegeen in marwalba ay tahay in la ilaaliyo arimaha nabadgalyada sidoo kalena ay muhiim tahay in sidhaw looga wada shaqeeyo nabadgalyada gobolka iyo weliba dhamaan nabad galyada dalka, cuqaasha ayaa tilmaamay in maadama ay ka cuqaal ahaan  yihiin shaqaale Dawladeed isla markaana hoostaga Wasaraada arimaha gudaha ay si gaara xil ugasaran yahay illaalinta nabad galyada.

 

Ugu dambayntii gudoomiyaha gobolka Saaxil Cali cabdi Cabdilahi (Cali Case) oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay cuqaashii kala duwanayd ee  ka soo qayb gashay kulanka , isla markaana cuqaasha faray in ay illaaliyaan nabad galyada sidoo kalena ay ka shaqeyaan xasiloonida wadanka, gudoomiyaha oo arimahaas ka hadlaya ayaa waxa haddalasiisii ka mid ahaa.” Maanta xaalad doorasho ayuu wadanku galayaa,taasi oo ay ku tartami doonaan saddexdii xisbi ee hore u jiray, iyo todobo Urur oo ku soo biiray, idinkuna waxaad ka mid tihiin qaybta koowaad ee nabad-galyada ilaalinaysa”.