Madaxwaynaha JSL oo Shirkadaha Gaarka loo Leeyahay Ku Boggaadiyay Shaqada Ay Bulshada U Hayaan

0
26

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bogaadiyay kaalinta iyo shaqada ay bulshada u hayaan shirkadaha gaarka loo leeyahay, waxaanu qiray in xaga hawl socodsiinta iyo fulinta inay ku wanaagsan yihiin waxaanu yidhi

“ waxan la yidhaahdo wax fulinta, hawl qabadka, degdegga, isla xisaabtanka waxa adduunku uu ku hayaa Taariikh illaa todobaatankii sano ee u danbeeyay inay ku san tahay oo ay horumariyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay waayo? Marka la yidhaa Laydhka adigaa leh waa lexejeclo, shaqaalahooda inta badan adduunyada horumartay mushahar qudha lama siiyo, waxa laga siiyaa wax wayn oo aanu qofku ku daalin”.

Geesta kale Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka waramay in dawladaha madaxa isaga duuba baahiyaha  aasaasiga ah inay ku hungoobeen dib u dhacna ay ka dhaxleen waxaanu yidhi

“Sidoo kale waxa la ogaaday dawladihii madaxa iskaga duubay aasaaska waxyaabaha dadka loo qabto inay dhammaantood ku hungoobeen oo ay dib uga dhacday, muxuu Maraykan horumaray muxuu Chine ku horumaray dadkiibaa la hawl galiyay oo wixi dawladda loo dhiibay laakiin waa lagu ilaalinayaa, dushaa laga illaalinayaa loo siidayn maayo oo waa Bani’aadam, cidda ay dadku doorteen ee ay xilka u dhiibeen ayaa iyagana xukuma oo dusha ka eegaya, Laakiin looga maarmi maayo in waxyaabaha waawayn loo gacan galiyo”.

Gebo’gabadii Madaxwaynaha Somaliland ayaa tilmaamay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalku in ay ka mid yihiin kuwa dunida ugu horeeya isla markaasina ay ka horeeyaan kuwa badan oo caalamka ah waxaanu yidhi

“Afar iyo sodon sano oo aynu xor nahay oo aan la ina Ictiraafsanayn oo aynaan baalal lahayn oo aynaan Caymis lahayn, maantana shirkadaheenu hawlaha ay hayaan xawaaladaha, dhaqaalaha adduunka kuwa intaas oo dhanba haysta ayay ka horreeyaan waana shakhsiyaad aan intaa midna helin”.