Gudidda Ololaha KULMIYE ee Gobolka Awdal oo Yeeshay Kullan lagu Dar- dar Galinaayo Ololaha Xisbiga

0
39

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Boorama (Dawan) Guddida ololaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa yeeshay kulan lagu dar-dar galinayo ololaha xisbiga ee doorashooyinka inagu soo fooda leh.

Kullankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan guddida ololaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa diirada lagu saaray dejinta qorshayaashii lagu wajihi lahaa doorashada iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa.

Guddidan oo ah guddi waayo’aragnimo u leh arrimaha ololaha iyo doorashooyinka ayaa ku hawlan sidii mar labaad uu xisbiga Kulmiye guul uga soo hoyn lahaa doorashada, waxaanay bulshada ku booriyeen inay u diyaar garoobaan ololaha doorashooyinka.

Maxamed Aadan Suldaan gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa sheegay in kullankani uu ahaa kullankii u horeeyay ee ay yeeshaan guddidu, isla markaasina uu bar bilaw u ahaa shaqada guddidu ay qabanayaan iyo sidii loo qaybsan lahaa shaqooyinka hor yaala.

Dhankiisa Cabdicasiis Diiriye Daahir gudoomiyaha guddida ololaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa sheegay inay qabteen shaqadii u horeeyay ee kala saarista guddi hoosaadyada, waxaanu tilmaamay in mudooyinkii u danbeeyay ay wadeen sidii ay u gaadhi lahaayeen deegaanada kala duwan ee gobolka.

Geesta kale waxa uu xusay inay diyaar u yihiin inay mar labaad ku guulaystaan doorashada, soona saaraan Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Gebo’gabadii guddida ololaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa ku waylan sidii ay u wajihi lahaayeen shaqada adage e uu xisbigu masuulka uga dhigay, waxaanay diyaarinayaan qorshayaashii ay kaga guulaysan lahaayeen xisbiyada la tartamay gobolka Awdal.