Madaxweyne Xigeenka oo Qayb-Galay Xafladda Qalin-Jabinta Jaamacadda ADAL Medical

0
44

Borama (Dawan) Madaxwayne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa ka qayb-galay munaasibad ay ku qalinjabinayeen 125 arday oo bartay kuliyadaha kala duwan ee culuumta caafimaadka ee Adal Medical University.

Sidoo kale munaasibada ardaydani ay ku qalinjabinayeen waxa ka soo qayb galay, maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada Borama, waalidiin, mudan iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacada Adal Mudane Xasan Cumar Halas, waxa uu sheegay in jaamacada Adal muddadii koobneyd ee ay jirtay ay qaaday tallaabo weyn oo waxtar-le, waxaa uu xusay in ardayda qalinjabineysa ay dhan yihiin 125 arday, waxa uu tilmaamay in 7 Kuuliyadood ee jaamacadu ay bixiso ay dhammeysteen, waxaanu ku boggaadiyay ardayda qalinjabisay iyo waalidiintii tacabka badangeliyayba dadaalkii iyo naf-hurnimadii ay soo muujiyeen intii geedigooda waxbarasho socday.

Geesta kale masuuliyiintii ka soo qayb gashay ayaa boggaadiyay dadaalkii ardaydu ay ku bixiyeen inay soo gaadhaan qalinjabintooda, waxaaney kula dardaarmeen inay dadaalkooda sii libin laabaan, isla markaana ay waxbarashooda halkaasi ka siiwadaan oo aanay ka hadhin.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici “Guddoomiyaha jaamacada Adal, tacab badan ayuu geliyay dadkiisa iyo dalkiisa, qofkastana xirfadiisa caafimaadka ayuu adeegi jiray, bulshada ku nool magaalada Borama qof aanu gurigiisa ugu tagina wuu yar yahay, dadkuna qofkii dhageystan sida Cabdiraxmaan Jaamac Haadi, way jecel yihiin, ka deg degayaana waxa ay ku odhanayaan kani dhakhtarba maahe daawo yar uunbu ii qoray oo wuu iga tagey, marka waxa la idinka raba in dhaqan fiican aad yeelataan bulshadiinana aad u shaqaysaan.