Qaran Horumara ayaa Inooga Fiican Qabyaaladda” Wasiir Axmed Maxamed Habane

0
49

Qore: Cabdiwahab Dahir

Barbera (Dawan)- Wasiirka waasarada horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Habane ayaa dhalinyarada reer Somaliland u soo jeediyay in ay kaalintooda ka qaataan horumarka dalka, isla markaana ay ka fogaadaan arrimaha qabyaalada iyo waxyaabaha kala qaybinaya bulshada.

Wasiirka waasarada horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu tilmaamay in waddan kasta oo adduunka ah cidda wax ka badesha ama horumarisaa ay tahay dadkiisa iyo dhalinyaradiisa. sidoo kalena Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland hantida uu haystaa ay tahay dhalinyarada.

Wasiirka wasaarada Horumarinta Beeraha Axmed Maxamed Habane waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad tababar loogu furayay dhalinyarada reer Somaliland ee la timid figradaha hal abuurka ganacsi ee soo codsatay maal-galinta sanduuqa horumarinta Somaliland. Tababarkaasi oo ay soo qaban qaabiyeen masuuliyinta sanduuqa Horumarinta somaliland.

Wasiir Axmed Maxamed Habane waxa kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay in dhalinyarada la tababaro, isla markaasina lala eego figradaha kala duwan ee ay ka haystaan hal abuurka ganacsi. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ummad walba waxa wax ka bedela waa dhalinyarada ay haysato, qaranka Jamhuuriyadda Somaliland-na hantida uu haystaa waa dhalinyaradiinaa runtii aqoonyahanka ah. Qofka aqoonyahanka ah haddii aanay aqoontiisa, garashadiisa iyo fikirkiisu aanu wax ka bedelin isaga laftiisa, qarankiisana waxba ka bedeli maayo. Waxaan idin leeyahay qaran dhisma oo horumara ayaa inooga fiican qabyaalad iyo qudhun.”

Wasiirku waxa uu u duceeyay dhalinyaradan la timi figradaha iyo hal-abuurada ganacsi ee tababarka qaadanaya, waxaanu yidhi Illaahay ha idinku asturo hawshaa aad gasheen, fikirka iyo hal-abuurkaas ganacsi ee aad la timaadeen, intiina soo gudubtay ee halkan timid iyo intiina hadhaw sii gudbi-doonta iyo intiina hadhay-ba waxaan idin leeyahay dhammaantiin waad guulaysateen.

Illaahay baan idiin baryayaa Ganacsiyadaa aynu maanta halkaas ku unkayno ee bilawgiisii koobaad aynu maanta unkayno in uu ILLAAHAY ka dhigo mid guulaysta oo horumara, kana mid noqda ganacsiyada waaweyn ee qaranka Somaliland anfici-doona.”

Dhinaca kale, Gudoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilahi (Cali Case), Maareeyaha Hay’ada dekadaha Somaliland, maamulka degmada Barbera iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay tababarkan oo uu soo qaban qaabiyeen masuuliyinta Sanduuqa Horumarinta Somaliland, kaas oo loo qabtay dhalinyarada la timid figradaha hal abuurka ganacsi ee soo codsatay maalgalinta sanduuqa horumarinta Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilahi (Cali Case) oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyey dhalinyarada heshay fursadan maal-galinta ah, sidoo kalena soo jeediyay in la dhiirigaliyo figradaha ganacsi si dhalinyaro badan oo reer Somaliland ahi uga faaiidaystaan. Waxaanu yidhi “Waxaan idinku dhiiri gali-nayaa inaad maskaxda tuujisaan, madaama aynu ku noolnahay gobol fursado badan laga heli karo.”

Agaasimaha fulinta Sanduuqa Horumarinta Somaliland mudane Khadar Ibraahim Maxamed oo isaguna halkaasi ka hadlay, tababarkana furay ayaa ka waramay ujeedada tababarkani, waxaanu yidhi “Muddadaa labada maalmood ah waxa xog laydinka siin doonaa fikradihii aad soo codsateen, haddii ganacsigaagaasi guulaysto adiga uun laguma maal-galine waxa la maalgaliyey dalka”.

Tobarkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaanay ka qayb galayaashu ku baran doonaan xirfadaha la xidhiidha hal abuurka ganacsiga iyo sidoo kale fikradaha ganacsi ee ay soo gudbisteen codsigeeda si loogu hago sidii ay midho dhal u noqon lahaayeen figradahaasi