Shir-waynaha Madasha Dhaqaalaha Qaranka oo ka Furmay Hargaysa

0
52

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sacad Cali Shire, ayaa daah-furay shirweynaha qaran ee madasha dhaqaalaha JSL, kaas oo shalay si reasmi ah uga furmay magaalada Hargeysa, waana shirwaynihii saddexaad ee la qabto.

Munaasibadii daah-furka shirwaynaha oo si rasmi ah uga furmay Hargeysa waxa furitaankiisa ka qaybgalay xubno ka mid ah golaha wasiiradda, masuuliyiinta baanka dhexe, khuburo dhinaca dhaqaalaha ah, hay’addaha waddaniga ah, kuwa caalamiga ah, ururada bulshada mudan iyo marti sharaf kale.

Guddidi soo qaban qaabisay shirkani ayaa faahfaahin ka bixisay, waxaaney xuseen in ay mihiim tahay in la ogaado xaalada adeeg bixineed ee dalku siday tahay, waxaaney soojeediyeen in dhammaan daneeyayaashu qodobada ka soo baxa sida ay yihiin ay u fuliyaan, sidoo kale waxa ay soo bandhigeen cilmi-baadhis ay ka sameeyeen sida loo horumarin karo qorshaha horumarinta Qaranka ee saddexaad.

Sidoo kale masuuliyiintii ka soo qaybgalay ayaa soojeediyay in xoogga la saaro dhinaca wax soo saarka beeraha, si loooga baaqsado cuniyari.

Wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland, Mudane Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in dowladdu laba shay kaga qayb qaadato xaqiijinta qorsheyaasha shanta sanadood, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay yihiin Miisaaniyada iyo siyaasada, waxa uu farta ku fiiqay in siyaasadii ay tahay mid la xidhiidha Maalka maaliyadeed, waxaanu tilmaamay in siyaasadahaasi ay ugu horeeyaan in la is le’egeysiiyo Miisaaniyada iyo kharashaadkeeda, in la sal-balaadhiyo cashuurta, in la yareeyo ku tiirsanaanta cashuuraha kastamada, isla markaana loo guuro cashuuraha bariga, in qaab casriya loo baddelo bixinta cashuuraha iyo in kor loo qaado bixinta cashuuraha, waxaanu intaas ku daray in la xasiliyo sicirka suuqa iyo qiimaha maceeshada.