Sirdoonka Maraykanka oo Xidhiidhka u Sahlaysaa Dadka la Shaqeeya

0
45

Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Maraykanka (CIA) waxay doonaysaa inay xogta iyo xidhiidhkaba u fududayso dadka ku nool Iran, Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya sidii ay xogta la wadaagi lahaayeen hay’adda basaaska ee ugu sarreysa Maraykanka.

Wakaaladdu waxay Arbacadii daabacday tilmaamo ku qoran luqadaha Kuuriya, Mandarin iyo Farsi oo ay ku faahfaahisay tallaabooyinka ay dadka xog-ogaalka ahi qaadi karaan si ay ula xidhiidhaan saraakiisha sirdoonka Maraykanka iyaga oo aan naftooda khatar gelin.

Tilmaamaha waxaa ka mid ah siyaabo aad CIA-da ugala xidhiidhi karto shabakadeeda dadweynaha ama darknet, oo ah qayb ka mid ah internetka oo kaliya oo la geli karo iyada oo la adeegsanayo qalab gaar ah oo loogu talagalay in lagu qariyo aqoonsiga isticmaalaha. CIA-da ayaa awaamiir tan la mid ah ku daabacday afka Ruushka laba sano ka hor kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

“Dadku waxay isku dayayaan inay nala soo xidhiidhaan adduunka oo dhan, waxaanan siinaynaa tilmaamo ku saabsan sidii ay si ammaan ah taas u samayn lahaayeen,” ayay hay’addu ku tidhi hadal ay soo saartay. “Dadaalladayada dhinacan ayaa lagu guuleystay Ruushka, waxaana dooneynaa inaan hubinno shakhsiyaadka ku jira nidaamyada kale ee kali-taliska ah inay ogaadaan inaan u furannahay la shaqayntooda.”

Talooyinka, oo lagu soo bandhigay muuqaalo qoraal ah oo keliya iyo xog-ururin, waxaa ka mid ah isticmaalka shabakad gaar loo leeyahay, ama VPN, si looga gudbo xannibaadaha intarneedka iyo ilaalinta, iyo isticmaalka aalad aan si fudud dib loogu heli karin isticmaalaha. CIA-da ayaa sidoo kale ku boorisay xog-bixiye kasta oo suurtagal ah in ay isticmaalaan daalacashada shabakadaha gaarka ah iyo in ay tirtiraan taariikhdooda internetka si ay u qariyaan raadadkooda.

Farriimaha ku qoran saddexda luqadood waxaa lagu dhajiyay Telegram, YouTube, X, Facebook, Instagram iyo LinkedIn. Dhowr ka mid ah goobahaas ayaa laga xannibay Shiinaha, Iran iyo Ruushka laakiin weli waa la geli karaa iyadoo la adeegsanayo VPN.

Hogaamiyayaasha kalitaliska ah ee aduunka ayaa u isticmaaley intarneetka qalab ilaalo ah iyo hab lagu gudbiyo dacaayad iyo warar been abuur ah iyaga oo xidhaya baraha iyo aragtida loo arko in aanay u cuntamin dowlada.

Shiinaha, Ruushka, Kuuriyada Waqooyi iyo Iran ayaa dhamaantood xannibaya gelitaanka aaladaha Maraykanka sida Facebook, tusaale ahaan, waxayna isticmaalaan gelitaanka shabakadda si ay u xakameeyaan ilaha macluumaadka ee isticmaalayaashu ay geli karaan.

VPN-yada iyo aaladaha kale waxay bixiyaan habab ku xeeran faafreebka iyo ilaalintan, laakiin awooddaas ayaa ka dhigtay bartilmaameed. Tilmaamaha ku wajahan ilaha suurtagalka ah, CIA waxay uga digtay dhagaystayaasheeda inay doortaan, maadaama ay wanaagooda ku xidhnaan karto doorashada barnaamijka saxda ah.

“Isticmaal bixiye VPN oo aan xaruntiisu ahayn Ruushka, Iran, ama Shiinaha, ama waddan kasta oo loo arko inaanu saaxiib la ahayn Maraykanka,” ayay hay’addu ku qortay tilmaamaheeda isticmaalayaas