Taliyaha Militariga Itoobiya oo ka Jawaabay Eedaymo ay Dawlada Muqdisho u Jeedisay Itoobiya

0
51

Addis Ababa (Dawan)- Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa beenisay eedaymo ay dowladda taagta daran ee Muqdisho ay u jeedisay dawladda Itoobiya, eedahaasi oo ay ku sheegtay in dawladda Itoobiya ay Hub ku soo daabuleyso gudaha Soomaaliya.

Taliyaha Militariga Itoobiya Burhaanu Jula ayaa waxba kama jirana ku tilmamaay eedeyta ka timid wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Muqdisho ee ah in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo galisay gudaha Soomaaliya.

Burhaanu ayaa sheegay in aanay jirin wax hub sharci darro ah oo ay Dawladda Itoobiya geysay Soomaaliya. Balse waxaa uu ka digay in haddii ay xaaladuhu sidan ku sii socdaan ay ku qasbanaan doonaan inay hub geeyaan.

“Hub umaanaan rarin, xitaa haddii aannu sameyno ma aha wax aan ku ceebeysanahay, hub ma geyno Soomaaliya taa badalkeeda Xasan Sheekh ayaa hub helay, haddii ay xaaladuhuna sidan ku sii socdaan waxaan ku qasbanaaneynaa anagtuna in aanu geyno hub,” ayuu yidhi Burhaanu.

Hadalka taliyaha ayaa daba socda hadal uu dhawaan sheegay wasiirka arrimaha dibadda dawladda Muqdisho, Axmed Macallin Fiqi, oo ahaa in Itoobiya ay hub aan la fasaxin geynayso gobollo ka tirsan Soomaaliya, isaga oo taas bedelkeeda soo jeediyay in Soomaaliya ay ‘taageerto jabhadaha Itoobiya’.

Taliyaha militariga Itoobiya Burhaanu Jula ayaa carrabka ku adkeeyay haddii aan la joojin hadalada xanafta leh ay qaadi doonaan tallaabo intaa ka badan, balse ma sheegin nooca tallaabada uu ka digay. Waxaanu yidhi “Haddii hadalada xanafta leh ee faro-galinta iyo kicinta dagaal sokeeye ay sii socdaan hub oo kali ah ma ahee waxaan sameynaynaa waxyaabo kale” ayuu intaa ku daray.

Taliyaha militariga Itoobiya Burhaanu Jula aya xusay in aanay xilligan doonayn in dhibaato kale ay ka dhacdo Soomaaliya oo uu sheegay in 30 sanno ay dhibaato ku jirtay. Waxaanu yidhi “Ma dooneyno in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatoodaan, maadaama 30-kii sanno ee la soo dhaafay ay dhibaateysnaaeen.”

Mr Burhaanu ayaa farta ku fiiqay in shacabka Soomaalida ah ay saaxibo la yihiin militariga Itoobiya, islamarkana aanay dooneyn dhibaatadooda, waxaanu yidhi “Dadku waa saaxibadeen bah-wadaag ayay la yihiin militarigeena gobolada oo ah kuwo fiican, waxaan wali dooneynaa Soomaaliya oo nabad ah, waxaan taageereynaa nabad ilaalinta,” ayuu intaa raaciyay.

Taliyaha militariga Itoobiya Burhaanu Jula ayaa dhanka kale ka hadlay taageeradda Masar ee Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid dhibaato ka hurinaysa gobolka. Waxaanu yidhi “Haddii ay doonayaan inay hubeeyaan Xasan Sheekh oo ay dagaal huriyaan, Xasan Sheekh waa in uu awood u yeeshaa dagaal,” ayuu yidhi Janaraal Burhaanu.