Bulshada Danyarta ee Gobolada Dalka Qaarkood oo Raashin Kaalmo ah la Gaadhsiiyey

0
48

Qore:Cabdiwahab Dahir

Hargaysa- (Dawan) Hay’adda u diyaar garowga  afooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo Dawladda Taiwan ayaa soo gabogabeeyey kaalmo  raashin ah oo  ay qaybinayeen. Kaas oo loogu talogalay bulshada danyarta ah ee reer Somaliland, taasi oo la gaadhsiiyey qaybo ka mid ah gobolada dalka. Sida Maroodi-Jeex, Gabilay iyo Hawd.

Gudoomiyaha hay’ada udiyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka  Faysal Cali Sheekh ayaa ka waramay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Taiwan,  sidoo kale waxa uu ka warbixiyey mashaariicdaha horumarineed ee Taiwan ka fuliso Somaliland,  deeqdan raashinka ahna aanay ahayn tii ugu horayse balse marar badan oo hore ay keentay dawlada Taiwan.

Gudoomiye Faysal oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa.” Taiwan waxay Somaliland ka taageertaa dhinaca bani aadanimada, waxay nasoo gaadhsiisay 19 bishii julay 360 tan oo bariis ah,

Dawlada Taiwan ayaa soo gaadhsiisay Hayada Nedford ayaa soo gaadhsiisay bishii july ee sanadkan aynu ku jirno, yahada ayaa iyaduna waxay gaadhsiisay  deeqdan raashinka ah bulshadii loogu talogalay ee danyarta ahaa.

Masuuliyiinta safaarada  Taiwan ayaa shalay ka gudoomay hayada raashinka kaydka qaranka iyo udiyaar garaw aafooyinka sidii ay u qaybiyeen deeqdaa raashinka ah iyo sidii ay u gaadhsiiyeen bulshadii loogu talogalay taasi oo ay haayada Nedford kawaday qaarka mid ah gobolada dalka bilihii u dambeeyey.