Hargaysa oo Laga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Maanka Adduunka

0
20

Barnaamijka caafimaadka Wardeyska dawan todobaadkan xunibta koowaad waxa aynu ku faaqidi doonaa xuska maalinta caafimaadka Maanka adduunka oo Hargaysa lagu xusay, sanad kastana la xuso 10 bisha October.

 

Haddaba Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa soo qaban qaabisay munaasibad lagu xusayo maalintan, taasi oo bulshada lagu wacyigalinayo, si loo dareensiiyo caafimaadka maanka.

 

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo qabanqaabisay, xuska todobaadka wacyigallinta caafimaadka maanka adduunka, oo sannad kasta maanta oo kale laga xuso guud ahaan caalamka.

 

Munaasibad si heersare ah looso agaasimay oo loogu talogalay in lagu wayneeyo maalinta caalamiga ah ee Caafimaadka maanka adduunka, oo ka qabsoontay magaalada Hargaysa, ayaa waxaa kasoo qaybgalay, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Agaasimaha waaxda Caafimaadka maanka ee Wasaaradda.

 

Hay’adda Qaramada midoobay, qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ee aan-dawliga ahayn, hay’adaha rayidka, Jaamacadaha iyo mac’hadyadda tababarka iyo waxbarashada caafimaadka ku hawlan, shaqaalaha Caafimaadka iyo hawl-wadeenada caafimaadka, mudan iyo marti sharaf kale.

 

Xuska maalintan caalamiga ah ee lagu weynaynayo muhiimada ay leedahay in lagu baraarugsanado muhiimada Caafimaadka maanka, yaa ka qabsoontay dhammaan Goboladda dalka. Ololaha caalamiga ah ee 2024 iyo hindisayaashiisu waxay ku salaysan yihiin hal-kudhiga rasmiga ah ee sannadkan ee maalinta caafimaadka maanka adduunka kaasi oo ah “ Waa waqtigii mudnaanta la siin lahaa badqabka caafimaadka maanka ee goobta shaqadda”. Arrintan ayaa hoosta ka xariiqaysaa muhimadda wayn ee caafimaadka maanka ee goobaha shaqaalaha iyo xirfadlayaashu ka hawlgalaan.

 

Masuuliyiintii kasoo qaybgashay munaasibadan ayaa dhammantood hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay, in Bulshada lagu wacyigeliyo muhiimada ay leedahay in mudnaan gaar ah lasiiyo caafimaadka maanka.